Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • MAQAAL: WAXA LA GAADHAY XILLIGII LA QAYBSAN LAHAA ITOOBIYA, WQ/Nageeye Cali Khaliif.
  • Allposts
  • Warar

MAQAAL: WAXA LA GAADHAY XILLIGII LA QAYBSAN LAHAA ITOOBIYA, WQ/Nageeye Cali Khaliif.

October 11, 2025

Horraantii bishii November, 2020kii ayay Ciidamada Itoobiya duullaan rasmi ah ku qaadeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya. Dagaallo sokeeye oo wajigii koowaad oo kaliya ay ku dhinteen dad ka badan 500,000 oo qof ayaa maalintaas ka bilaabmay gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.

Sannadihii ugu dambeeyey, gobollada Tigrayga, Axmaarada iyo Oromada waxa ka socda kacdoonno hubaysan oo uu dhiig badani ku daatay. Jabhaduhu waxa ay qabsanayaan dhul cusub, waxaanay helayaan taageero qoomiyaddeed oo xooggan. Dhinaca kale, gudaha dalka Itoobiya waxa ku sugan ciidamo Eritrean ah oo aanay wax tallaabo ah ka qaadi karin xukuumadda Addis Ababa. Ciidamadani waxa ay si toos ah uga garab dagaallamayaan jabhadaha Axmaarada iyo Tigrayga ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy Ahmed, xilli uu aad u sii xumaanayo xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara.

Burburka la saadaalinaayo ee boqortooyada Itoobiya waxa qayb weyn ka ah tabashooyinka taariikheed ee ay qabaan aqlabiyadda aamusan ee dalkaasi. Itoobiya waxa ku wada nool dad ka badan 132mn oo ku hadla luuqado ka badan 80 luuqadood. Waxa ay dadkani u kala duwanyihiin af ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan, taariikh ahaan iyo jiritaan ahaan. Kala duwanaanshiiyahani waxa uu keenay gabboodfallo ballaadhan oo ay gaysteen kuwii xukunka joogay. Qoomiyadda Axmaarada oo ahayd tan xukumaysay Itoobiya wakhtiga ugu dheer, waxa ay gaysatay tacaddiyo xooggan oo ka dhan ah dadka kale ee ay xoogga ku qabsatay.

Dad badan ayaa diinta laga beddelay. Qaar kale ayaa dhulkoodii laga qaaday oo magaca laga beddelay. Kuwo kalena, iyaga laftooda ayaa magacyadoodii shakhsiga ahaa iyo abtirsiintoodii qoomiga ahayd laga beddelay. Tusaale ahaan, magaalada Addis Ababa, waxa ay ahayd dhul ay leeyihiin dadka Oromada ah. Magaceedii asalka ahaa waxa uu ahaa Finfinne oo ah magac asal ah oo Oromo ah.

Magaaladan waxa qabsaday ka dibna magac Xabashi ah ula baxay boqorradii Xabashida ahaa ee Itoobiya gumaystay. Hoggaamiyeyaashii Axmaarada ahaa ee tacaddiyada noocaas ah gaystay ayaa maanta taallooyin dhaadheer ku leh gudaha caasimadda Addis Ababa, iyaga oo ‘halyeeyo qaran’ loo aqoonsaday. Guud ahaan, ummadihii la gumaystay ee dhiiggooda taallooyinka laga dul dhistay, waxa ay joogaan xilli ay aaminsanyihiin in ay sixi karaan oo ay ka gilgilan karaan hagardaamooyinka loo gaystay, kana hoos bixi karaan gumaysigii ay muddada dheer ku jireen.

Dhinaca kale, gudaha Itoobiya waxa si muuqata u xoogaystay baraarugga diineed ee dadka Muslimiinta. Sannadihii ugu dambeeyey, gudaha dalka Itoobiya waxa ka soo yeedhaayay codad kala duwan oo ku baaqaya in Muslimiinta dalkaasi ay u midoobaan sidii ay uga hoos bixi lahaayeen gumaysiga masiixiga ah ee ay muddada dheer ku hoos jireen. Codadkaas oo aqbalaad ka helay dhalinyarada

Muslimiinta ah, qurbejoogga Muslimiinta reer Itoobiya iyo shacabka Muslimiinta ah ee muddada dheer la cadaadinaayay, dhinaca kalena cadaadis, dil, xadhig iyo cabbudhin kala kulmay ciidamada xukuumadda iyo kiniisadaha xoogga badan, waxa laga filan karaa in uu gaadho heer ay xakamayn kari waayaan maamuleyaasha Addis Ababa.

Dawladda Kenya waxa ay dhammaadkii bishii May, 2024kii ku biirtay waxa uu Maraykanku ugu yeedho ‘Major Non-NATO Ally’. Waa xulafo Maraykanku leeyahay oo ay ka mid yihiin ilaa 19 dawladdood oo ay ku jiraan Australia, Is’raa’iil, Qatar iyo Brazil. Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxweynaha Kenya William Ruto uu booqasho rasmi ah ku joogay dalka Maraykanka. William Ruto, waxa uu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee

casuumad rasmi ah ka hela ‘Aqalka Cad’ ee dawladda Maraykanka muddo lix iyo toban sannadood ah. Kulankan ayaa ku soo beegmay sannadguuradii 60aad ee ka soo wareegtay asaaska xidhiidhka diblomaasiyaddeed ee Maraykanka iyo Kenya. Si muuqata, muddooyinkii ugu dambeeyey, dawladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa saamayn xooggan ku sii yeelanaayay dalalka Afrika, waxaana sii wiiqmaysay saamayntii Maraykanka ee qaaradda Afrika. Dawladda Shiinaha ayaa hadda ah dawladda ugu weyn ee xidhiidhka ganacsi iyo kan maalgashi la leh dalalka qaaradda Afrika.

Falanqeeyeyaashu waxa ay rumaysanyihiin in Maraykanku uu doonaayo in xulafadiisa gobolka Geeska Afrika ee ugu muhiimsan uu ka dhigto Kenya, ka dib dagaallo iyo qalalaase siyaasaddeed oo muddooyinkan dambe ragaadiyay Itoobiya oo ahaan jirtay xulafada ugu muhiimsan ee Maraykanka ku leeyahay Geeska Afrika. Tan oo macnaheedu yahay in Maraykanku uu quus ka joogo Addis Ababa. Waxa intaas dheer, horjoogaha Itoobiya Abiy Ahmed waxa uu garabka saaray reer Bariga gaar ahaan Ruushka iyo Shiinaha. Tan ayaa sabab u noqon karta in Maraykanku uu dhinaca Kenya u jihaysto, xilli loollanka Shiinaha iyo Maraykanka ee Afrika uu meel sare gaadhay. Dhinaca kale, kala dhaqaaqa diblomaasiyaddeed ee Washington iyo Addis Ababa ayaa jiritaanka maamul ee Itoobiya mugdi weyn sii geliyay.

Heerka faqriga dalka Itoobiya ayaa ah mid aad u sarreeya, noloshuna waa mid cidhiidhi sii galaysa. Dadka Itoobiyaanka ah ee gaajo ka cararka ah ayaa buux dhaafiyay xeryaha qaxoontiga ee caalamka iyo gaar ahaan dalalka deriska, halka kumannaan kalena ay ku dhinteen badaha caalamiga ah iyaga oo saaran doonyo macmal ah. Tirada dadka oo si xawli ah u kordhaysa, dalka oo aan lahayn wax

bad ah oo go’doon juquraafi ah ku jira, colaadaha dabada dheeraaday ee wajiyada badan leh iyo hoggaanka arxanka daran ee kaligii taliska ah ee muddada dheer dalkan xukunkiisa isu soo beddelaayay ayaa dalkan ka dhigay ‘hoygii gaajada adduunka’.

Wakhtiyadii kala dambeeyey, muddaharaaddo canjeero doon ah ayaa ka dhacay gobollada iyo degmooyinka dalkaasi, kuwaas oo ay xukuumaddu xoog kala hor tagtay, xilli baahidu ay sii kordhayso. Shacabkan gaajaysan ayaa laga filan karaa in ay shidaal u sii noqdaan dagaallada sokeeye ee holcaaya iyo kala daadashada lama huraanka u muuqata ee boqortooyada Itoobiya.

Waxa xaaladda jiritaan ee cakkiran ee Xabashida uga sii dari doona farogelinta dibaddeed ee mustaqbalka dhaw uga iman karta dalka Suudaan ee arrinta gobolka Alfashaqa, dalka Masar ee arrinta webiga Nile, dalka Eritrea ee arrinta xuduudka labada dal iyo Soomaalida Geeska Afrika ee arrinta Badda Cas.

Sida taariikhda laga baran karo, cilmibaadheyaashuna ay marar badan oo hore saadaaliyeen ‘waxa la gaadhay xilligii la qaybsan lahaa Itoobiya’, Itoobiyana waxa ay mari doontaa jidkii dalweynihii Yugoslavia ee dhammaadkii qarnigii hore.

Dhibaatooyinkan bulsho, dhaqaale iyo siyaasaddeed ayaa la saadaalinayaa in ay kala dhaqaaqa Xabashida soo dedejin karaan. Sidaasi daraaddeed, waxa la gaadhay xilligii Soomaalida gobta ahi ay u diyaar garoobi lahaayeen ‘qaybsiga dhulweynaha Itoobiya’.

Waxaa maqaalkan qoray Nageeye Cali Khaliif October, 2025

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -19-04-1447 Hijri.
Next: Maleeshiyada Sirdoonka Gurguurte Oo Muqdisho Jir-dil Ugu Gaystay Hooyo Soomaaliyeed.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 10-11-1447-Hijri.

April 27, 2026
Daawo Muuqaallo Cusub Oo Ay Baahisay Kataa’ib Al-ikhbaariyah.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaallo Cusub Oo Ay Baahisay Kataa’ib Al-ikhbaariyah.

April 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -10-11-1447-Hijri

April 26, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada