Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Maraykanka Iyo Iiraan Oo Cadaadis Lagu Saarayo Inay Gaaraan Heshiis Buuxa.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Iyo Iiraan Oo Cadaadis Lagu Saarayo Inay Gaaraan Heshiis Buuxa.

April 28, 2026

Iyadoo maalintii 21-aad uu galay heshiiska xabbad-joojinta, waxaa soo baxay warar sheegaya in dhexdhexaadiyayaasha colaadda Bariga Dhexe ay cadaadis ku saarayaan Iran iyo Mareykanka inay gaaraan heshiis, iyagoo u arka maalmaha soo socda inay yihiin kuwo aad muhiim u ah.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Tehran, iyada oo sii maraysa Pakistan, la sheegay inay soo bandhigtay soo jeedin cusub oo ujeeddadeedu tahay in heshiis la gaaro kaas oo dib u furi doona marin-biyoodka Hormuz isla markaana soo afjari doona dagaalka.

Dhinaca kale, wargeyska Wall Street Journal oo soo xiganaya sarkaal Maraykan ah ayaa sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo kooxdiisa amniga ay ka shaki qabaan dalabka Iran, inkastoo aysan si cad u diidin.

Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in soo-jeedintan ugu dambeysa ee Iran ay dhigayso in la hakiyo ka hadalka barnaamijka nukliyeerka ee Iran ilaa dagaalka la soo afjaro, isla markaana la xalliyo khilaafaadka la xiriira maraakiibta ka gudbaysa Gacanka.

Arrintani uma badna ayaa la yiri inay qanciso Mareykanka, oo sheegay in qodobada bilowga u ah wada-hadalladu ay noqdaan arrimaha nukliyeerka, sidaas darteed, Trump waa uu ka carooday soo-jeedinta Iran, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah oo xog ka hayay kulan uu madaxweynuhu Isniintii shalay uu la yeeshay la-taliyayaashiisa.

Afhayeenadda Aqalka Cad ayaa sheegtay in Mareykanku uusan ka gorgortami doonin warbaahinta, maadaama uu si cad u qeexay ayay tiri, xariiqyadiisa cas ee lama-soo-dhaafaanka ah, inkastoo maamulka Trump uu doonayo ayay tiri inuu soo afjaro dagaalka Iran.

Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbas Caraaqji oo Isniintii shalay booqasho ku tagay Ruushka, halkaas oo ay kula kulmeen madaxweynaha waddankaasi Vladimir Putin, iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov.

Caraaqji oo ka hadlay kulankan ay la yeesheen madaxda Ruushka ayaa sheegay in wadahadalladaasi ay muujinayaan ‘xiriirka istiraatiijiyadeed’ ee labada dal, halka dhiggiisa Ruushka uu wada-xaajoodyadan ku tilmaamay kuwo waxtar leh.

Weftigan ka socday Iran ayaa la sheegay inay uga mahadceliyeen Ruushka taageerada ay sheegeen inay ka helaan, halka Putin uu sheegay in shacabka Iiraan ku amaanayo sida geesinimada leh ee ay uga dhiidhiyaan gumeysiga, wuxuuna ballanqaaday in Ruushku uu qaadi doono tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah si loo hubiyo danaha Iran iyo dalalka kale ee gobolka.

Iyadoo dhinacyada ku hirdamaya Bariga Dhexe ay weli aad uga kala fog yihiin, qiimaha saliidda caalamka ayaa lasoo werinayaa in kor-u-kac ay mar kale ay bilaabeen, iyadoo ganacsatada saliiddu ay wajahayaan culaysyada ka imanaya saliidda marti Hormuz oo wakhti-xaadirkan aad u xaddidan.

Xannibaadda Mareykanka ayay warbaahinta reer-galbeedku sheegaysaa inay si weyn u yaraysay maraakiibta saliidda ee marinka Hormuz, iyadoo qaar lagu qasbay inay dib u laabtaan, iydoo Iran-na ay cambaareysay tallaabadaas.

Iyadoo heerka taageeradiisa ay hoos u dhacayso, waxaa lasoo warinayaa in Trump uu la kulmayo cadaadis xooggan oo gudaha ah oo ku aaddan in gebi ahaanba uu soo afjaro dagaalka Iran, kaas oo shacabka Mareykanku ku dawakhsan yihiin sharraxaadaha kala duwan ee uu ka bixiyey sababta uu colaaddaasi cagaha ula galay.

Wasiirka Khaarajiga Iraan Cabbaas Caraaqji ayaa wariyeyaasha ugu sheegay intii uu ku sugnaa Ruushka in Donald Trump uu codsaday wadahadal isagoo Mareykanku uusan gaarin ujeedooyinkii uu ka lahaa dagaalkan.

Saraakiil sare oo Iran ah, oo codsaday in magacyadooda la qariyo sida ay Reuters ku warrantay, ayaa sheegay in soo-jeedinta uu Caraaqjii u gudbiyay Islamabad dhammaadkii toddobaadka ay ku talinayso wadahadallo marxalado ah, iyadoo bilowga wada-hadalka la hakinayo arrinta nukliyeerka.

Tallaabada koowaad ayaa la sheegay inay noqon doonto joojinta dagaalka Mareykanka iyo Yahuuddu ay kula jiraan Iran isla markaana la bixiyo dammaanad ah in Mareykanku uusan mar kale bilaabi karin.

Kadib wadaxaajoodyadu waxay xallin doonaan ayaa la yiri xannibaadda ay ciidamada badda Mareykanku ku hayaan ganacsiga Iran ee badda iyo mustaqbalka marinka Hormuz, kaas oo Iran dooneyso inay dib u furto isla markaana maamulkiisa ay gacanta ku hayso.

Intaas kadib wadahadalladu waxay u gudbi doonaan ayaa la yiri arrimo kale, oo ay ku jirto khilaafka muddo dheer socday ee ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran, iyadoo Iran ay weli ku doodayso xaqeeda ay u leedahay kobcinta uraniumta.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -11-11-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 11-11-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada