Safaaradda Maraykanka ee dalka Jabuuti ayaa xaqiijisay in mid ka mida diyaaradaha millatariga Maraykanka ay shalay gelinkii dambe ku burburtay meel u dhaw saldhig ciidanka cirku leeyahay oo ku yaalla gudaha dalka Jabuuti.
Dowladda saliibiyadda Mareykanka waxay iclaamisay in aanay jirin cid wax ku noqotay burburka diyaaradda, saraakiil katirsan taliska AFRICOM ayaa lagasoo xigtay in ay samaynayaan baaritaan la xiriira sababta keentay burburkan ku yimid diyaaraddan oo nooceedu ahaa MQ-9 drone.
Shabakadda RT ee ku hadasha afka dowladda Ruushka ayaa faafisay in diyaaraddan Mareykanku leeyahay latoogtay xilli ay dul maraysay marin biyood Baabul Mandab ee badda Cas kaabigana ku haya dalka Jabuuti.
Safaaradda Maraykanka ee dalka Jabuuti ayaa saacado ka hor soo saartay digniin ay ku iftiimisay in ay jirto xaalad degdeg ah oo mid ka mida diyaaradahooda ku wajahday hawada Jabuuti iyadoo shacabka loogu baaqay inay ka fogaadaan agagaarka saldhigga cirka.
Qaar ka mid ah wararka ayaa sheegaya in xogta duulimaadyadu ay muujisay in diyaarad Maraykanka ee burburtay uu xiriirkeedu lumay iyadoo maraysa meel u dhow hawada Jabuuti kadib markii ay soo dhamaysatay roondo ay kasoo samaysay Gacanka Cummaan.
Saldhigga Mareykanka ee dalka Jabuuti waxaa ka duulo diyaaradaha xasuuqa ka geysta dalalka Yemen iyo Soomaaliya