Diyaarad dagaal oo nooceedu yahay F-16 oo uu leeyahay Turkigu ayaa ku burburtay gobolka Yalova ee waqooyi-galbeed waddankaasi, kadib cilad farsamo oo soo wajahday, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha Turkiga.
Xilliga diyaaraddani ay burburtay ayaa la sheegay in ay ku gudo-jirtay duulimaad tababar, balse waxa la xaqiijiyey in duuliyihii diyaaraddu uu badbaaday.
“Mid ka mid ah diyaaradaha F-16 ee Ciidanka Cirka ayaa ku burburtay Yalova xilli ay ku jirtay duulimaad tababar; duuliyihii ayaa ka booday diyaaradda, wuuna badbaaday,” ayay tiri Wasaaradda Difaaca Turkiga.
Sababta dhalisay shilka ayay wasaaraddu sheegtay in aysan ilaa hadda ka warheynin balse ay samayn doonaan baaritaanno dheeraad ah.
Duullimaadka tababar ayaa ka socday Taliska Garoonka Diyaaradaha ee Yalova, iyadoo goobta ay ku burburtay ahayd meel u dhow Saldhigga 18-aad ee Diyaaradaha Dagaalka, oo ku yaalla magaalada Taskopru ee degmada Ciftlikkoy, gobolka Yalova.
Duuliyaha oo dhaawacyo soo gaareen ayaa la sheegay in loo qaaday Cisbitaalka Tababarka iyo Cilmi-baarista Yalova si halkaasi loogu daweeyo.
Waxaa la sheegay in diyaaraddani ay ka tirsanayd cutubka Ceylan Squadron oo hoos taga Saldhigga 1-aad ee Diyaaradaha Dagaalka ee Eskisehir.