Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay madaxda kooxda Riddada Soomaaliya kaasi oo salka ku hayo doorasho ku sheeg bishii lasoo dhaafay ka dhacday deegaanno katirsan gobollada Mudug iyo Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.
Maxkamad taabacsan Xasan Gurguurte ayaa soo saartay go’aan waxba kama jiraan ka dhigaya doorashooyinkii xildhibaannada dawaaqiidda maamulka Galmudug arrinkaas durbaba buuq siyaasadeed ka dhax abuuray kooxda Riddada Soomaaliya.
Baashe Yuusuf Axmed oo ku magacaaban guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in wixii ka dhacay deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Galmudug ay ahaayeen musuq maasuq iyo ku shubasho wuxuuna amray in doorashadaasi dib loogu noqdo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in go’aanka kasoo baxay Maxkamad ku sheegtay uu yahay mid siyaasadeysan oo uu gadaal ka riixayo Xasan Gurguurte, kooxda Riddada ayaa doonaysa in ay taageerada kala laabato Liibaan Shuluq waxayna qorshaynasaa in siyaasi cusub ay madax uga dhigto maamulka isku magacaabay Galmudug.
Wararka ayaa intaas ku daraya in siyaasiyiinta Xisbiga Xasan Gurguurte ee loo yaqaan JSP ay dhaxdooda hardamayaan waxaana Villa Somalia ka socda kulamo sedax geesood ah kuwaas oo udhaxeeya Xamza Cabdi Barre,Mahad Salaad iyo Xasan Gurguurte.