Bayaan rasmi ah oo xalay ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqa waxaa lagu sheegtay masuuliyadda weeraradii ballaarnaa ee shalay ka dhacay gudaha dalka Maali.
Nusratul Islaam wal Muslimiin waxay sheegtay iney iyadu masuul ka tahay, beegashada xarunta madaxweynaha dalka Maali, beegsashada xarunta wasiirka dagaalka ee Maali, beegsashada garoonka caalamiga ah ee magaalada Bamaako ee caasimadda Maali, iyo sidoo kale beegasashada saldhigyada milliteri ee Kaati.
Waxay sidoo kale Nusratul Islaam xaqiijisay iney la wareegtay si buuxda magaalada Mobti, saldhigyada ciidamada Maali ee magaalooyinka Siifaari iyo Gaaw, iyo sidoo kale la wareegitaanka guud ahaan magaalada Kidaal.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in weerarada ka socda Maali ay iska kaashanayaan Mujaahidiinta Nusratul Islaam wal Muslimiin iyo kooxda Jabhadda Xoreynta Azawaad, iyadoona lagu sheegay in la isku raacay in laga wada shaqeeyo waxay ku jirto maslaxadda diinta, dalka iyo dadka.
Waxay sidoo kale Nusratul Islaam wal Muslimiin ku sheegtay bayaankeeda, iney diyaar u tahay iney in dagaalka ay ka reebaan Ruushka, haddii uu diyaar u yahay inu dagaalka kaalin ka qaadan.
