Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Sarkaal Ciidan Oo Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Kenya.
  • Allposts
  • Warar

Sarkaal Ciidan Oo Ku Dhintay Shil Gaari Oo Ka Dhacay Kenya.

August 26, 2026

Sarkaal sare oo ka tirsanaa waaxda xabsiyada ee dalka Kenya iyo gabar uu dhalay ayaa ku dhintay shil gaari oo aroornimada talaadadii shalay ka dhacay waddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, gaar ahaan deegaanka Konza.

Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad-galyada waddooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilku dhacay salaaddii subax ka hor, isla markaana ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo sarkaalku ku waday xubno ka tirsan qoyskiisa.

Saddex qof oo kale oo isugu jiray xaaska sarkaalka iyo laba wiil oo uu dhalay oo gaariga saarnaa ayaa la xaqiijiyey in iyaguna ay ku dhaawacmeen shilkan, kuwaas oo loola cararay cisbitaal ku yaalla magaalada Machakos.

Taliyaha Saldhigga Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka ee Makueni (Makuuni), oo ah aagga uu shilku ka dhacay, ayaa sheegay in dhaawacyada soo gaaray labada wiil iyo hooyadood ay yihiin kuwo aad u culus, isagoo intaa ku daray in sarkaalka dhintay uu ka mid ahaa saraakiisha sare ee Xabsiyada.

Sidoo kale sarkaalkan geeriyooday ayaa la sheegay inuu horey usoo noqday taliyaha mid ka mid ah xabsiyada ku yaalla magaalada Mombassa.

Shil kale oo shalay dhacay Makueni, ayaa waxaa ku dhintay dirawal mooto, kadib markii mootadiisa iyo gaari xamuul ah ay si fool-ka-fool ah isugu dhaceen.

Ciidanka booliisku waxay sheegeen in shilal ka dhacay waddooyin kala duwan ay shalay oo kaliya ku dhinteen 6 qof, halka ugu yaraan 22 qof ay soo gaareen dhaawacyo aad u daran.

Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu soo badanaya gudaha waddanka Kenya, waxaana la sheegaa in sannad walba shilalka waddooyinka ay ku dhintaan ilaa 4,000 qof, halka kumannaan kalena ay soo gaaraan dhaawacyo aad u culus.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-Rabiicul-awal-1448-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -13-03-1448 Hijri.

Related Stories

Dhagayso Andalus Oo Baahisay Waraysi Laga Qaaday Mid Ka Mida Maxaabiistii Lagu Qabtay Weerarkii Jameeco.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Andalus Oo Baahisay Waraysi Laga Qaaday Mid Ka Mida Maxaabiistii Lagu Qabtay Weerarkii Jameeco.

October 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-05-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -17-05-1448-Hijri

October 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-05-1448 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -16-05-1448 Hijri.

October 27, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada