Sarkaal sare oo ka tirsanaa waaxda xabsiyada ee dalka Kenya iyo gabar uu dhalay ayaa ku dhintay shil gaari oo aroornimada talaadadii shalay ka dhacay waddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa, gaar ahaan deegaanka Konza.
Sarkaal ka tirsan ciidanka nabad-galyada waddooyinka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shilku dhacay salaaddii subax ka hor, isla markaana ay isku dhaceen gaari xamuul ah iyo gaari yar oo sarkaalku ku waday xubno ka tirsan qoyskiisa.
Saddex qof oo kale oo isugu jiray xaaska sarkaalka iyo laba wiil oo uu dhalay oo gaariga saarnaa ayaa la xaqiijiyey in iyaguna ay ku dhaawacmeen shilkan, kuwaas oo loola cararay cisbitaal ku yaalla magaalada Machakos.
Taliyaha Saldhigga Ciidanka Nabad-galyada Waddooyinka ee Makueni (Makuuni), oo ah aagga uu shilku ka dhacay, ayaa sheegay in dhaawacyada soo gaaray labada wiil iyo hooyadood ay yihiin kuwo aad u culus, isagoo intaa ku daray in sarkaalka dhintay uu ka mid ahaa saraakiisha sare ee Xabsiyada.
Sidoo kale sarkaalkan geeriyooday ayaa la sheegay inuu horey usoo noqday taliyaha mid ka mid ah xabsiyada ku yaalla magaalada Mombassa.
Shil kale oo shalay dhacay Makueni, ayaa waxaa ku dhintay dirawal mooto, kadib markii mootadiisa iyo gaari xamuul ah ay si fool-ka-fool ah isugu dhaceen.
Ciidanka booliisku waxay sheegeen in shilal ka dhacay waddooyin kala duwan ay shalay oo kaliya ku dhinteen 6 qof, halka ugu yaraan 22 qof ay soo gaareen dhaawacyo aad u daran.
Shilalka gaadiidka ayaa aad ugu soo badanaya gudaha waddanka Kenya, waxaana la sheegaa in sannad walba shilalka waddooyinka ay ku dhintaan ilaa 4,000 qof, halka kumannaan kalena ay soo gaaraan dhaawacyo aad u culus.