Kulan u dhaxeeyay siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku adkeynayeen bannaanbaxa ka dhanka ah kooxda Riddada Soomaaliya ee looga soo horjeedo dhul-boobka ka socda caasimadda.
Dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka oo ay ka mid yihiin Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa si isku mid ah u sheegay inay maalinta Axadda ee berri ku beegan qaban doonaan isku soo bax aad u ballaaran oo lagu diidan yahay boobka dhuleed ee ka socda Muqdisho.
Waxay sheegeen in isku soo baxa uu noqon doono mid looga dhiidhinayo barakicinta boqollaal kun oo qof oo uu guryahooda si khasab ah uga saaray Xasan Gurguurte iyo kooxdiisa, waxayna soo bandhigeen ilaa 19 goob oo ah goobihii dadka rayidka ah sida xoogga ah looga barakiciyay, halkaas oo ay ku qaban doonaan isku soo baxyada.
Kulamadaasi kadib siyaasiyiinta mucaaradka ah, ayaa isku qaybiyay xaafadaha magaalada Muqdisho, Shariif Sheekh Axmed oo ah madaxii hore ee kooxda Riddada, ayaana lagu aaddiyay oo u guuray aagga degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho, halka inta kale ee soo hartayna lagu aaddiyay aagag kale oo muhiim ah.
Isku soo baxyada ayaa la qorsheeyay inay billowdaan 7 subaxnimo ee barri, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaana caawa ku jira diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee bannaanbax ka dhanka ah dhulboobka Gurguurte.