Wararka ka imaanaya suuqa Bakaaraha ee magaalada Mogdisho ayaa ku waramaya in gabi ahaanba uu maanta xiranyahay suuqaasi.
Arintaan ayaa timid kadib markii wasaaradda Maaliyada Kooxda Ridada Soomaaliya ay lacago baad dheeraad ah kusoo rogtay ganacsatada suuqa.
Ganacsatada suuqa Bakaaraha oo ah kan ugu weyn waddanka ayaa albaabada isugu dhuftay goobahooda ganacsi, iyadoo maleeshiyaadka murtadiinta ay dhoobanyihiin gudaha suuqa.
Mid ka mid ah ganacsatada oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay xaalada kajirta Bakaaraha isaga sheegay in murtadiinta ay isku dayayaan in ay xoog ku furaan goobaha ganacsi ee xiran.