Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Trump Oo Sheegay In Xabad Joojinta Colaadda Bariga Dhexe Bubur Qarka U Saaran Tahay.
  • Allposts
  • Warar

Trump Oo Sheegay In Xabad Joojinta Colaadda Bariga Dhexe Bubur Qarka U Saaran Tahay.

May 12, 2026

Madaxweynaha Maraykanka Gaal Donald Trump ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in xabbad-joojintii ay kula jireen Iiraan ay qarka u saaran tahay inay burburto, ka dib markii uu ku gacan sayray jawaabta Iran ay ka bixisay soo jeedintii Maraykanka, isagoo ku tilmaamay mid gebi ahaanba aan la aqbali karin.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Iiraan ay dib uga baxday wax uu ku sheegay ballanqaadyadii hore ee la xiriiray hubka nukliyeerka. Waxaanu isagoo aad uga caraysan jawaabta Iiraan uu yiri “Waxaan hadda ku tilmaami lahaa tan ugu liidata, kadib markii aan akhriyey qashinka ay noo soo direen. Xitaa ma aanan dhammeystirin akhrintiisa,”

Tehran ayaa iyaduna dhankeeda difaacday mowqifkeeda, waxaanu Ismaacii Baqaa’i oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Iraan uu sheegay in dalabka ay u gudbiyeen Maraykanku ay tahay mid sharciya oo ay xaq u leeyihiin.

Afhayeenka Baarlamaanka Iran, Muxammad Baaqer Qaalibaaf, ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Iraan ay si buuxda ugu diyaar garoobeen inay jawaab kulul ka bixiyaan gardarro kasta oo loola yimaaddo.

Wuxuu ka digay in go’aannada khaldan ee cadowga is-daawadsiiyey ay u horseedi doonaan natiijooyin masiibo ah, isagoo carrabka ku adkeeyay inay u diyaarsan yihiin tallaabo kasta oo cadowgu soo qaado, isla markaana ay la kulmi doonaan ayuu yiri jawaab ku habboon oo lama filaan ah.

Qaalibaaf wuxuu sheegay in isku-dayadii maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ay ku doonayeen inay ku jabiyaan xiritaanka marinka lagu celiyay rasaas toos ah oo ciidamada Iiraan ay kala hor-tageen, taas oo wiiqday ayuu yiri sumcaddii Mareykanka ee uu ku sheeganayay inuu yahay quwad weyn oo caalami ah.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Iiraan waxa kale oo uu xusay inaysan jirin waddo kale oo aan ahayn in la aqbalo xuquuqda dadka reer Iran ee ku xusan soo-jeedinta 14-ka qodob ah, haddii kale Mareykanku wuxuu sii wadi doonaa ayuu yiri, bixinta kharashka guul-darrooyinka is-daba-joogga ah.

Warbaahinta maraykanka ee CNN ayaa ku warrantay in Donald Trump uu aad uga niyad-jabay jawaabta ay iiraan ka bixisay soo-jeedintii loo gudbiyey, waxaanu hadda ka fekerayaa ayay tiri in dib loo bilaabo hawlgallo millateri oo waaweyn.

CNN, waxay xustay in Trump uu ka samri la’yahay xirnaanshaha marinka Horumuz, arrintaas oo caqabado lama-filaan ah ku noqotay, isla markaana haddii ay sii socoto saamayn ballaaran ku yeelan doonta siyaasaddiisa mustaqbalka iyo tan xisbigiisa.

Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in Trump uu hadda u baahan yahay guul dhanka siyaasadda dibadda ah si uu u xoojiyo sumcaddiisa gudaha Maraykanka maadaama ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin xilli uu hoos u dhac ku yimid kalsoonida shacabka oo ay sababtay dagaalka Iran.

Warbixintu waxay tilmaantay in maamulka Trump dhexdiisa ay u kala jabsan yihiin laba kooxood; oo qaarkood ka tirsan yihiin Pentagon-ka kuna baaqaya weeraro qorsheysan si Iran loogu qasbo wadahadalka, iyo qaar kale oo wali raba in fursad la siiyo diblomaasiyadda.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa su’aal ka keenay doorka dhex-dhexaadnimo ee Pakistan. Waxay ka shakisan yihiin in Islamabad aysan si adag u gaarsiinin Iran farriimaha Trump, ama laga yaabo inay Mareykanka u soo gudbinayaan sawir ka duwan xaqiiqada mawqifka Iran.

Dalalka gobolka iyo Pakistan ayaa isku dayaya inay Iran ku qanciyaan in tani ay tahay fursaddii ugu dambaysay ee dhinaca diblomaasiyadda, balse waxay u muuqataa sida ay sheegtay CNN, in Iran aysan dhag jalaq u siinin soo-jeedimahaasi oo dhan.

Trump ayaa lasoo wariyey in saacado ka hor uu kulan la qaatay kooxdiisa amniga qaranka, balse sida ay warbaahinta Maraykanku sheegayso, lama filayo in go’aan weyn uu kasoo baxo kulamadaasi ka hor inta uusan u safrin dalka Shiinaha isla maanta oo Talaada ah.

Qiimaha saliidda cayriin ayaa kor usii kacaysa waxaanay gaartay in ka badan $104 dollar foostadiiba, sababo la xiriira xirnaanshaha marinka Horumuz, kaas oo ay maraan Shan meelood hal meel, saliidda adduunka.

Dagaalku wuxuu sidoo kale muujinayaa kala qaybsanaan ka dhex jirta Bariga Dhexe, iyadoo qaar ka mid ah xulafada Mareykanka ay qaadanayaan door toos ah. Imaaraadka Carabta oo la kulmay weeraro ka dhan ah Iran, ayaa fuliyay duqeymo militari oo ka dhan ah Iran, sida uu shalay ku warramay wargeyska Maraykanka ee Wall Street Journal.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -25-11-1447-Hijri
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-11-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-Muxarram-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -25-Muxarram-1448-Hijri.

July 10, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 25-01-1448-Hijri.

July 10, 2026
Kooxda Gurguurte Oo Heshiis Hor Leh La Gashay Dowladda Masar.
  • Allposts
  • Warar

Kooxda Gurguurte Oo Heshiis Hor Leh La Gashay Dowladda Masar.

July 10, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada