Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Uganda Iyo South Sudan Oo Askar Isaga Dilay Iska Hor’imaad Ka Dhacay Xuduudka.
  • Allposts
  • Warar

Uganda Iyo South Sudan Oo Askar Isaga Dilay Iska Hor’imaad Ka Dhacay Xuduudka.

July 30, 2025

Iska hor’imaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladaha Yugaandha iyo South Sudan ayaa ka dhacay xuduudda ay wadaagaan labadaasi dal, halkaas oo ay askar isaga dileen labadan ciidan ee xuduudda ku dagaallamay.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in iska hor’imaadkaasi ay ku dhinteen ugu yaraan lix askari oo labada dhinac ka kala tirsan, waxayna ciidanku isku qabteen meel u dhow xuduudka ay wadaagaan, ahna goob ay ku muransanyihiin labada dhinac.

Wakaaladda oo soo xiganayso saraakiil ka tirsan dowladda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan labada ciidan ay is-rassaasayn ku dhex martay deegaan lagu magacaabo Kajo Keji oo dhaca Suudaanta Koonfureed, isku dhacaasi ciidan ayaa sababay dhimashada 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka South Sudan ee magacooda loo soo gaabiyo (SSPDF).

Dhankiisa, afhayeenka ciidanka dowladda Yugaandha Felix Kulayigye, ayaa sheegay in ciidanka SSPDF ee Suudaanta Koonfureed ay soo galeen gobolka West Nile ee dalkiisa Yugaandha, ayna diideen inay ka baxaan aaggaasi, taa waxay keentay buu yiri inay rasaas dhacdo, goobtana uu kaga dhintau hal askari oo Yugaandhees ah.

Ismaamulka Kajo-Keji ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in shan askari oo ka tirsanaa ciidanka SSPDF lagu dilay weerar kedis ah oo ay soo qaadeen ciidanka Uganda, isla markaana ay wehlinayeen taangiyo iyo madaafiicda goobta, ciidanka Suudaanta koonfureed dhankiisa wuxuu xaqiijiyay isku dhaca ciidan, balse masoo hadal qaadin askarta 5-ta ah ee goobta dagaalka looga dilay.

Iska hor’imaadkan ayaa qayb ka ah isku dhacyo dhowr jeer oo hore xuduudda ku dhexmaray ciidamada labada dal ee Uganda iyo Suudaanta koonfureed, isku dhacyadu waa kuwa yaryar oo marmar dhaca, waxaana labada dowladood ka dhex jira khilaaf iyo ismariwaa dhanka xuduudda ah.

Afhayeenka ciidanka SSPDF ninka lagu magacaabo Lul Ruai Koang ayaa war uu soo saaray ku sheegay in guddi ka kooban labada dhinac oo xuduudeed oo jira ay eegi doonaan sida lagu heli karo xal rasmi ah oo soo gabagabeyn kara khilaafaadka soo noqnoqda ee la xiriira soohdinta labada dowladood.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-02-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-02-1447-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Raad-raaca Toddobaadka 27-Dul-xijah-1447-Hijri.

June 12, 2026
Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Barnaamijka Sahanka Dhaqaalaha Andalus 26-12-1447H.

June 12, 2026
Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Sarkaal Iyo Askar Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Afgooye Iyo Jannaale.

June 12, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada