Xilli ay cirka iskusii shareerayso xiisadda diblumaasiyadeed ee udhaxaysa kooxda Riddada Soomaaliya iyo dowladda dabadhilifka Imaaraatka Carabta ayey qaar kamid ah dowladaha Khaliijka caddeeyeen mowqifkooda ku aaddan khilaafka.
Ururka iskaashiga Khaaliijka oo ay ku mideysanyihiin dowladaha gacanka Carabeed ayaa si kulul udhaleeceeyay eedaymaha ay kooxda Riddada Soomaaliya ujeedisay Imaaraatka Carabta wuxuuna ku tilmaamay kuwa been ah oo aan sal iyo raad laheyn.
Xoghayaha Guud ee golaha Iskaashiga dalalka Khaliijka (GCC) Jaasim Maxamed Al-Budeywi ayaa si kulul u cambaareeyay hadallo uu ku tilmaamay kuwo aan mas’uuliyad ku dhisnayn iyo olole warbaahineed oo uu sheegay in lagu bartilmaameedsanayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta kuwaas oo uu sheegay in ay ka imanayaan mas’uuliyiin ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya.
Al-Budeywi ayaa carrabaabay in Imaaraadka Carabtu uu door muuqda ka qaato xoojinta amniga iyo xasilloonida, isla markaana uu dadaal weyn ku bixiyo horumarinta wada-hadalka iyo is-afgaradka u dhexeeya dalalka sida uu hadalka udhigay wuxuuna iska indhatiray ku lug lahaanshiyaha Imaaraatka Carabta ee dagaallada ka holcaya wadamada Suudaan iyo Yemen.
Xoghayaha Guud ee ururka iskaashiga Khaliijka oo si cad ula saftay xukuumadda Abuu Dubai ayaa sidoo kale sheegay in eedeymaha iyo sheegashooyinka ka dhanka ah Imaaraadka ay yihiin kuwo uu Goluhu diiddan yahay isla markaana ay wiiqi karaan wax uu ku tilmaamay dadaallada lagu xoojinayo wadahadalka iyo iskaashiga gobolka iyo caalamka.
Kooxda Riddada Soomaaliya ayaa Khamiistii lasoo dhaafay sheegtay in ay xiriirkii diblumaasiyadeed ujartay dowladda Imaaraatka Carabta balse xukuumadda Abu Dubai oo arrinka ka jawaabtay ayaa iclaamisay in safiirkeeda Soomaaliya oo horraantii sanadkan Muqdisho ka baxay iyadoona waxba kama jiraan ku sheegtay eedaymaha uga yimid kooxda Riddada Soomaaliya.
Khilaafka udhaxeeya dhinacyadan ayaa imaanaya xilli dowladda Imaaraatka Carabta ay taageero xooggan siiso kooxaha mucaaradka ah iyo maamullada ashahaadda ladirrirada ah ee ka ka jira Soomaaliya sida Puntland,Somaliland iyo maamulka Jubbaland.