Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Wadahadallada Maraykanka Iyo Iiraan Oo Xaalad Hubanti La’aan Ah Galay.
  • Allposts
  • Warar

Wadahadallada Maraykanka Iyo Iiraan Oo Xaalad Hubanti La’aan Ah Galay.

April 26, 2026

Rajadii laga qabay in xal diblomaasiyadeed laga gaaro dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Yahuudda iyo xulafadooda oo isku dhinac ah iyo dowladda shiicada Iran, ayaa yaraatay kadib markii ay gebi ahaanba istaageen wadahadalladii la doonayay in lagu soo afjaro dagaalkaasi, isla markaana Tehran iyo Washington ay muujiyeen inaysan diyaar u ahayn inay dabciyaan shuruudahooda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabbaas Caraaqji ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka soo laabtay Pakistan, iyadoo aan wax heshiis ah la gaarin, halka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu baajiyay safar ay Islamabad ku tagi lahaayeen ergadii uu u xil-saaray wada-hadalkaasi.

Ismari-waagan oo god madow kusii riday rajadii nabadda, ayaa sabab u noqon kara weerarro hor leh oo dib ay uga dhex-qarxa labada dhinac, kuwaas oo horey u sababay in halkii ugu sarraysay ay gaarto qiimaha tamarta adduunka muddo dhowr sano gudahood ah, isla markaana sicir-bararku cirka isku shareeray, sidoo kalena hoosu-dhac weyni ku yimid kobicii dhaqaallaha adduunka.

Madaxweynaha Iran Mascuud Pezeshkiyaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Shariif kula hadlay telefoon, isagoo sheegay in Tehran aysan geli doonin wax uu ku tilmaamay “wadahadallo Khasab ah” oo goodis iyo go’doomin-na ay barbar socoto, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Iran.

Pezeshkiyaan wuxuu sheegay in Mareykanku marka hore uu joojiyo waxyaabaha caqabadda ku ah wada-hadalka oo ay ku jirto go’doominta dekedaha Iran, ka hor inta aan la bilaabin wada-xaajoodka la doonayo in lagu xallinayo khilaafaadka jira.

Caraaqji, Wasiirka Khaarajiga Iiraan wuxuu booqashadiisa Pakistan ku tilmaamay mid “miro-dhal ah.” Ilo diblomaasiyadeed oo Iran ka tirsan oo ku sugan Islamabad ayaa sheegay in Tehran aysan aqbali doonin shuruudo iyo dalabaad xad-dhaaf ah” oo ka yimaadda Mareykanka.

Trump ayaa wariyeyaasha Florida u sheegay inuu joojiyay safarkii ergada, isagoo ku sababeeyey in wada-hadalladu ay u baahnaayeen wax uu ku sheegay safar iyo kharash badan si loo tixgeliyo ayuu yiri, dalab aan u qalmin kharashka baxaya oo ka yimid dhinaca Iiraan.

Waxa kale oo Trump sheegay in uu jiro khilaaf iyo jahawareer weyn oo ka dhex jira hoggaanka Iran, waxaanu isagoo arrintan ka hadlaya uu yiri “qofna ma garanayo cidda dalka maamusha, xitaa Iran lafteedu ma oga”. Waxaanu intaas raaciyey, “haddii Iran ay rabto wada-hadal, waxay kaliya u baahan tahay inay soo wacdo Mareykanka”.

Pezeshkiyaan, madaxweynaha Iran, oo horey uga jawaabbay eedda Trump ayaa sheegay inaysan jirin kala qaybsanaan siyaasadeed oo dhexdooda ka jirta, dalka Iiraanna uu yahay mid si buuxda u midaysan, ilsa markaana dhammaantood ay taageersan yihiin hogaamiyahooda sare.

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha gobolka, Ra’iisul Wasaaraha Yahuudda Benjamin Netanyahu wuxuu amray ciidamadiisa inay weeraraan bartilmaameedyada Xisbullah ee Lubnaan, sida xafiiskiisu uu xaqiijiyey, taasoo sii wiiqaysa xabbad-joojint socotay saddexda todobaad ahayd oo marka horeba cago badan aan ku taagnayn.

Tehran ayaa si weyn u xirtay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kaas oo sida caadiga ah shan meelood meel ay maraan saliidda iyo gaaska dareeraha ah ee caalamka, halka Washington-na ay xannibaad saartay dhoofka saliidda Iran.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 09-11-1447-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-Dulqicdah-1447-Hijri

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -27-12-1447-Hijri

June 13, 2026
Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Muuqaalka Weerarkii Saraakiisha Looga Laayay Kooxda Gurguurte Ee Duleedka Baydhaba.

June 13, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -27-12-1447 Hijri.

June 13, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada