Maanta oo Isniin ah, waxaa si weyn u kordhay walaaca laga qabo burbur ku yimaadda heshiiskii xabbad-joojinta ee u dhaxeeyey Maraykanka iyo Iiraan, ka dib markii Washington ay sheegtay inay qabatay markab xamuul ah oo Iiraan ay leedahay, kaas oo isku dayay inuu dhaafo xayiraadda Maraykanka, halka Iiraanna ay ku dhaaratay inay ka aargudan doonto.
Dadaalladii lagu doonayay in lagu dhiso nabad waarta oo gobolka ah ayaa sidoo kale mugdi badani uu hareeyey, maadaama Iiraan ay sheegtay inaysan ka qaybqaadan doonin wareeg labaad oo wadahadallo ah oo Maraykanku rajaynayay inuu bilaabo ka hor inta aysan xabbad-joojintu dhicin.
Ciidamada Maraykanka ayaa saacado ka hor shaaca ka qaaday inay rasaas ku fureen markab xamuul ah oo sita calanka Iiraan, kaas oo ku sii jeeday dekedda Bandar Abbas ee Iiraan. Madaxweyne Trump ayaa baraha bulshada ku qoray: “Waxaan si buuxda gacanta ugu haynaa markabkooda, waxaanan eegaynaa waxa saaran!”
Taliska ciidamada Iiraan ee Khatam al-Anbiya ayaa ku dhawaaqay in weerarka lagu qaaday markabka ganacsiga ee Iiraan ee Badda Cumaan uu yahay fal “burcad-badeednimo” iyo xad-gudub lagu sameeyay heshiiskii xabbad-joojinta.
Waxay intaa ku dareen in ciidamada Maraykanku ay rasaas ku fureen markabka, taas oo sababtay in nidaamka socodka uu shaqayn waayo, sidoo kalena ay ciidamada Maraykanka fuuleen markabka. Waxaanay Iiraan ku hanjabtay inay si degdeg ah uga jawaabi doonto weerarkan.
Sida ay xaqiijiyeen warar goor dhawayd soo baxay, Iiraan ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ku weerartay maraakiibta dagaalka ee Maraykanka ee ku sugan Gacanka Cumaan, iyadoo ka aargudanaysa qabashadii markabkooda ganacsiga.
Gaal Donald Trump ayaa isna sidoo kale hanjabaado culus u jeediyay Iiraan, isagoo sheegay in haddii Iiraan aysan aqbalin heshiis, in Maraykanku uu burburin doono dhammaan warshadaha korontada iyo buundooyinka Iiraan.
Iiraan ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay in haddii Maraykanku uu weeraro kaabayaasheeda rayidka ah, ay ku dhufan doonto warshadaha korontada iyo warshadaha biyaha macaaneeya ee ku yaalla waddamada deriska la ah Gacanka Carabta.
Geesta kale, waxaa socotay qaban-qaabada wada-hadalladan aan cagaha buuran ku taagnayn ee la filayo inay ka qabsoomaan Pakistan, Trump ayaana sheegay in ergooyinkiisu ay soo gaari doonaan Islamabad fiidnimada caawa, hal maalin ka hor inta aysan dhicin xabbad-joojinta labada toddobaad ah.
Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa u sheegay Reuters in wafdiga Maraykanka uu hoggaamin doono Madaxweyne ku xigeenka JD Vance, kaas oo hoggaaminayay wadahadalladii nabadeed ee horey uga qabsoomay Pakistan toddobaad ka hor.
Pakistan, oo ahayd dhex-dhexaadiyaha ugu weyn, ayaa u muuqatay inay u diyaar garowday wadahadallada. Laba diyaaradood oo waaweyn oo Maraykan ah oo ayaa galabnimadii shalay ku soo degay saldhig ciidan, iyagoo waday qalab amni iyo gaadiid loogu talagalay imaatinka wafdiga Maraykanka, sida ay sheegeen laba ilo-wareed oo amni oo Pakistani ah.
Maamulka degmada ee caasimadda Pakistan ee Islamabad ayaa joojiyay gaadiidka dadweynaha iyo gaadiidka xamuulka ee magaalada dhex mara. Siligyo qodxan leh ayaa la dhigay meel u dhow Hoteelka loo qoondeeyey in kulanku uu ka qabsoomo, halkaas oo wadahadalladii toddobaadkii hore ay ka dhaceen.
Si kastaba ha ahaatee, xiisadda sii kordhaysa ee u dhaxaysa Maraykanka iyo Iiraan ayaa sababtay in saacadihii lasoo dhaafay qiimaha shidaalka uu cirka isku shareeray suuqyada caalamka. Waxaa iyaguna si weyn u ruxmaayo suuqyada saamiyada ee caalamka.