Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Wararkii ugu dambeeyay: Boqolaal Askari Itoobiyaan Ah Oo ku dhintay dagaalka ka socda Tigray
  • Allposts
  • Warar

Wararkii ugu dambeeyay: Boqolaal Askari Itoobiyaan Ah Oo ku dhintay dagaalka ka socda Tigray

November 10, 2020

Halaag daran ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka kasoo horjeeda ku kala gaaray dagaallo culus oo ka dhacay gobolka Tigray ee dhaca waqooyiga wadankaasi.

Wararka ka imaanaya jiidda hore ee dagaalka ayaa sheegaya in dagaallo lagu hoobtay ay shalay halkaas ku dhaxmareen ciidamada dowladad Itoobiya iyo maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega.

Wariyaal ayaa soo sheegay in boqolaal meydad iyo dhaawacyo ah lageeyay gobolka Amxaarada oo talis u ah howlgalka uu Abiy Axmed ku iclaamiyay jabhadda Tigeerga.

Shalay waxaa lasoo calaamadeeyay khasaarihii ugu xooganaa ee dhinacyada kala gaaray tan iyo markii uu dagaalku bilaawday waqti hadda laga joogo 7 maalmood.

Saxafiyiin ka socday wakaaladda wararka ee Reuters oo ku safrayay Tigray iyo gobolka dariska la ah ee Amxaarada waxay arkeen gawaari xamuul ah oo ay ka buuxaan maleeshiyo hubeysan iyo gawaari ay saaran yihiin qoryaha darandooriga u dhaca oo ku sii qulqulaya jiida hore si ay u taageeraan ciidamada dowladda ee halkaas dirirta xooggan uga jira.

“Walaaca laga qabo in Itoobiya ay gasho qalalaase waa mid aan sal lahayn oo ka dhashay fahamka aan si qoto dheer u fahansaneyn waxay ay tahay Itoobiya,” ayuu R/wasaaraha Itoobiya ku soo qoray bartiisa Twitter-ka isagoo sharci ka dhigayay duullaanka ay ciidamadiisu ku qaadeen gobolka Tigray.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladii dhacay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwa aad uqaraar ayna dhinacyadu iska dileen ku dhowaad 600 oo askari halka boqolaal kale ay dhaawacmeen.

Melleteriga Itoobiya oo ay kaabayaan kumanaan kun maleeshiyaad ah oo badankood kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada ayaa ka gudbay xuduudda Tigrayga waxayna hadda bilaabeen in ay qabsadaan tuulooyinkii ugu horreeyay oo ay kamid yihiin Kirakir iyo Daansh taas oo ka dhigay in ay xaqiijiyeen guushii ugu horraysay oo dhanka xuduudda amxaarada ah.

Ciidamada Abeey ayaa gelinkii hore ee maalintii axadda qabsaday wadada istiraatiijiga ah ee isku xirta Tigray iyo wadanka suudaan waxaa kale oo ay soo xirteen xuduudda Eereteriya oo horay ay umaamulayeen maleeshiyaadka Ururka TPLF.

Sarkaal militari oo kusugan Amxaarada kana tirsan dhanka ciidamada federaalka Itoobiya ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in iska hor imaadyo ay la galeen ciidamada Tigreega oo ka dhacay Kirakir Kirakir ay ku dileen kudhowaad 500 oo ah askarta Tigreega.

Seddex ilo wareed oo amni oo Amxaaro ah lana lashaqeynaya ciidamada federaalka ayaa sheegay in ciidanka Itoobiya boqolaal askari looga dilay dagaalkii ka dhacay tuulada Dansha.

sababta uu ubatay khasaaraha Daansha ayaa lagu sheegay ciidamada Tigreega oo godad waaweyn qotay kadibna mid mid utooganayay ciidamada Itoobiya oo iyagoo lugaynaya weerar qaaday.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Duqeymo Ka Kala Dhacay Duleedyada Baraawe Iyo Boosaaso.
Next: Faahfaahin Ku Aadan Qarax Ka Dhacay Gobalka Gaduud.

Related Stories

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.
  • Allposts
  • Warar

Wararkii Ugu Dambeeyay Bariga Dhexe Iyo Trump Oo Sheegay In Uu Kordhiyay Xabbad-joojinta.

April 22, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 05-11-1447-Hijri.

April 22, 2026
Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.
  • Allposts
  • Warar

Askar Ka Tirsan Maleeshiyadii Uu Gurguurte Ku Qabsaday Baydhaba Oo La Dilay.

April 22, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada