Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada islaamiga ah ee Baay, waxay saacadihii lasoo dhaafay weeraro isugu jira dagaal toos ah iyo qarax ku beegsadeen maleeshiyada Riddada ee ku sugan degmada Bsydhab ee xarunta gobolka Baay.
Howlgalka koowaad oo ahaa qarax, waxay ciidamada mujaahidiintu ku beegsadeen saldhig maleeshiyaadka murtadiinta ah kaga suganyihiin gudaha degmada Baydhaba, xog faahfaahsan lagama helin howlgalka qaraxa oo ku aaddan khasaaraha murtadiinta soo gaaray.
Howlgalka labaad, waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku mireen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee Maaya-fuulka ee magaalada Baydhaba, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.