Xilli ay xaalad kalaguur ah marayaan dhaammaan maamullada ashahaadda ladirirada ah ee ka jira dalka Soomaaliya ayay kooxda Riddadu ka cabanaysaa awaamirta isdaba joogga ah ee uga imaanaya gaalada caalamka ee loo yaqaan beesha caalamka.
Xamza Cabdi Barre oo ah R/wasaaraha kooxda Riddada Soomaaliya ayaa sheegay in reergalbeedku ay marwalba amarro siiyaan isagoo ku calaancalay in hay’adahaas aysan weli bedelin dhaqankooda wuxuuna ku eedeeyay in ay si toos ah ugu farageliyaan shaqooyinka.
Bilihii lasoo dhaafay xerada Xalane waxaa ka dhacayay kulamo ay garwadeen ka ahaayeen saafaradaha Mareykanka iyo Ingiriiska waxayna isku dayayeen in ay dhax dhaxaadiyaan kooxda Riddada iyo mucaaradkeeda.
Mareykanka iyo UK ayaa amarro dhowr ah duldhigay kooxda Riddada arrinkaas oo sababay in laga jarto lacago boqolaal milyan ah oo bil walba lasiin jiray.