Isagoo goob fagaare ah ka hadlayay ayuu Xamza Cabdi Barre R/wasaaraha kooxda Riddada Soomaaliya shaaciyay in iyagu aysan aheyn dowlad sax ah balse ay isku muujiyaan in ay yihiin dowladda.
Wuxuu qiray in dalka Soomaaliya lakala qeybiyay islamarkaana waxa loogu yeero nidaamka Federaalka uu yahay mid kala qoqobay shacabka Soomaaliyeed.
R/wasaaraha kooxda Riddada Soomaaliya ayaa carrabka ku adkeeyay in isaga iyo saaxibkiis Xasan Gurguurte ay waddo qardajeex ah ku wadaan nidaamka siyaasadeed ee murtadiinta.
Hadalkan kasoo yeeray mid kamida madaxda kooxda Riddada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli khilaafyo ay ragaadiyeen maamullada riddada ee ku midaysnaa waxa loogu yeero nidaamka federaalka islamarkaana ay siyaasiyiinta mucaaradka ah tafaha uga dheganyihiin Xasan Gurguurte.