Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xarakada Al Shabaab oo guddi u saaratay Caabuqa Korona Virus [Akhriso Bayaan]
  • Allposts
  • Warar

Xarakada Al Shabaab oo guddi u saaratay Caabuqa Korona Virus [Akhriso Bayaan]

May 13, 2020

Bayaan kasoo baxay xafiiska siyaasada iyo Wilaayaatka Xarakada Al-Shabaab ayaa bayaan uu soo saaray waa ku magacaabay guddo loogu talagalay La socodka xaalada cudurka Karoona Virus xilli uu cudurka ku faafayo gobollada ku dhaw dhaw Wilaayaatka Islaamiga ah.

Inkastoo weli aanan Wilaayaatka Islaamiga ah laga soo sheegin cudurka Karoona Virus ayaa hadana dhanka kale waxaa jira dad aad u farabadan oo isbuucyadii lasoo dhaafay aad ugu soo qulqulayay wilaayaatka Islaamiga ah kuwaas oo kasoo tegaya magaalooyinka cudurka laga sheegay sida Muqdisho, Jowhar iyo Kismaayo.

Bayaanka ayaa wuxuu u qornaa sidan “Iyadoo laga ambaqaadayo xaaladaha caafimaad darro ee kusoo korortay dunida, gaar ahaan cudurka Korona ee boqolaalka kun ee qofood ku dilay dunida dalacalladeeda, saamayntiisuna ay soo gaartay bariga Afrika ayaa waxaa arrinka cudurkaas kulamo ka yeeshay Maktabka Siyaasada iyo Wilaayaatka ee Xarakada Al-Shabaab Al Mujaahidiin”.

Mas’uuliyiintii kulamada kasoo qayb galay ayaa isla falanqeeyay cudurka iyo saameeynta uu ku yeeshay deegaanno kamid ah dhulka Soomaaliya taas oo sababatay dhimashada qaar kamid ah dadkii uu cudurka ku dhacay, halka qaar kale oo farabadana ay la xanuunsanyihiin.
Sidaas daraadeed maadaamada ummada Muslimiinta ah ay yihiin bulsho nolol wadaag ah kana dhexeeyaan dano farabadan isku socodkooduna badanyahay ayaa arintaas waxay keeni kartaa in cudurku kasoo gudbo dhulalka iyo wadamada uu hadda ka jiro uuna soo gaaro deegaanada ka fayoow hadda ee aanu weli saamaynta ku yeelanin.
Hadaba, iyadoo laga duulayo mas’uuliyada ka saaran Wilaayaatka Islaamiga ah ilaalinta badqabka caafimaadka dadka Muslimiinta ah ayaa waxaa la magacaabay Guddiga Lasocodka Xaalada Cudurka Karoona ee Wilaayaatka Islaamiga ah.

Guddigan oo ka kooban todoba xubnood oo iskugu jira dhakhaatiir, culumo iyo waxgarad, ayaa waxaa loo xilsaaray in ay ka hawlgalaan ka warqabka xaaladaha caafimaad ee Wilaayaatka iyo ka talabixinta hadba wixii soo kordha.

Gudiga Lasocodka Xaalada Cudurka Karoona ee Wilaayaadka Islaamiga wuxuu shaqo bilaabayaa marka uu soo baxo bayaanka ogeysiinta ah.

Waxaa dhamaan Maamullada Wilaayaatka Islaamiga ah lafarayaa inay gudigaas la shaqeeyaan, una fududeeyaan wixii hawlo ah oo ay uga baahdaan”.
Bayaanka oo PDF ah halkaan ka akhriso.

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Gabogabadii Tartanka Ramadaanka iyo dadka kaalmaha hore galay.
Next: Liibaan Bashiir Oo Lagu Dilay Muqdisho.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-01-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 03-01-1448-Hijri.

June 18, 2026
Trump Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Halis Weyn Ku Hayso Shacabka Masar.
  • Allposts
  • Warar

Trump Oo Itoobiya Ku Eedeeyay Inay Halis Weyn Ku Hayso Shacabka Masar.

June 18, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -03-01-1448-Hijri

June 17, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada