Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xarun Cilmi-baariseed Oo Sheegtay Inay Somalia Marayso Xaalad La Mida Tii Afghanistan Kula Wareegtay Imaarada Islaamiga.
  • Allposts
  • Warar

Xarun Cilmi-baariseed Oo Sheegtay Inay Somalia Marayso Xaalad La Mida Tii Afghanistan Kula Wareegtay Imaarada Islaamiga.

May 7, 2025

Waxa loogu yeero The Soufan Center loona soo gaabiyo (TSC) oo ah xarun cilmi-baariseed oo diiradda saarta arrimaha siyaasadda dibadda iyo la-dagaallanka mujaahidiinta caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan kasoo if-baxayaan humaagyo caddaan ah oo lala barbar dhigi karo kuwii Afganistan oo kale.

Xaruntan uu aasaasay sarkaal ka tirsanaan jiray sirdoonka FBI-da Maraykanka, ayaa rajo-beel ka muujisay maleeshiyaadka kooxda riddada Soomaaliya, oo ay sheegtay in aanay awood u lahayn una babac dhigi karin weerarrada kaga imanaya Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Daraasaddan ay samaysay TSC oo soo xiganaysa warbixin dhawaan lagu daabacay wargeyska The New York Times ayaa sheegtay, in qaar ka mid ah saraakiisha amniga ee maamulka Donland Trump ay ka walaacsan yihiin, in horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsanayaan mujaahidiinta Al-Shabaab ay sababto in albaabada la isugu dhufto safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho.

Warbixintu waxay xustay in mujaahidiintu ay la wareegeen saldhiggii maleeshiyaadka riddada ee deggaanka Wargaadhi, isla markaana waddo istaraatiiji ah oo isku xirta Muqdisho iyo gobollada dhexe ay qarka u saaran tahay in gebi ahaanba ay go’do, xilli maleeshiyaadka Gurguurte ay ku dhibban yihiin gaarista saldhigyadooda qaar, maadaama mujaahidiintu ay gacanta ku hayaan ayay tiri warbixintu, waddooyinka iyo xarumaha istaraatiijiga ah ee deggaannadaasi.

Daraasaddu waxay sheegtay in kooxda riddada Somaliya ay gebi ahaanba fashilantay, Maraykankuna uu faro maran ka joogo weerarradii tooska ahaa ee tobonnaanka sano uu ka waday Soomaaliya, taa bedelkeedana mujaahidiintu ay sii xoogaysteen, isla markaana weerarro joogto ah ku naafeeyey maleeshiyaadka riddada iyo ciidamada ka socda isbahaysiga gaallada ee Midowga Afrika, xilli geesta kalena maamulka Trump uu joojiyey dhaqaalihii isbahaysiga AUSSOM.

Machadka The Soufan Center wuxuu tilmaamay in mujaahidiintu ay gaareen horumarro ballaaran oo isugu jira dhinaca farsamada, ciidanka iyo istaraatiijiyadda xilli uu muuqdo ayuu yiri isbarbardhig cad oo ku saabsan xaaladda haatan ay ku sugan tahay Somaliya marka loo fiiriyo xaaladdii Afghanistan, ka hor bishii Agoosto 2021, kolkaas oo maleeshiyaadkii Asharaf Gaani ay si degdeg ah u burbureen, mujaahidiinta Daalibanna ay si fudud ula wareegeen dalka Afganistan.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -09-11-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -09-11-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -05-11-1447-Hijri

April 21, 2026
Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.
  • Allposts
  • Warar

Iiraan Oo Ka Hor-timid Safiirka Yahuuddu Usoo Magacaabay Maamulka ‘Somaliland’.

April 21, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -04-11-1447 Hijri.

April 21, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada