Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Garoowe Iyo Barakac Billowday.
  • Allposts
  • Warar

Xiisad Colaadeed Oo Ka Taagan Garoowe Iyo Barakac Billowday.

November 19, 2023

Xiisado colaadeed ayaa maanta laga dareemaya xaafadaha kala duwan ee magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Puntland, halkaas oo ay isku hayaan madaxa maamulkaas iyo kuwa mucaaradka ah ee kasoo horjeeda.

Barqanimadii maanta ayaa mar qura lagu baraarugay gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad hubeysan oo kusoo qulqulaya gudaha degmada Garoowe, waxayna taasi keentay cabsi aad u xooggan oo soo wajahday dadka rayidka ah, waxaana durbadii magaalada ka billowday barakac ay samaynayaan dadka shacabka ah.

Muuqaallo iyo sawirro laga soo qaaday gudaha Garoowe ayaa muujinayay dadka rayidka ah oo ku qaxaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan, kaddib markii ay arkeen maleeshiyaad is hor fadhiya iyo gaadiid dagaal oo kusoo qulqulaya magaalada.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa xalay murtad Siciid Deni ku eedeeyay inuu maleeshiyaad fara badan oo daacad u ah kasoo daabulayo magaalada Boosaaso, kuwaas oo ay sheegeen inuu ku doonayo inuu kursiga kusii fadhiyo, waxaase maanta billowday inay isu hub uruursadaan labada dhinac, maleeshiyaad kala taabacsanna soo geliyaan magaalada Garoowe.

Marka laga soo tago xiisadda colaadeed iyo barakca dadka rayidka ah, waxaa dhanka kale muuqaallo lasoo geliyay baraha Inetnet-ka muujinayay shaqaalaha urur gaaleedka qaramada midoobay oo isaga qaxaya degmada Garoowe, kadib markii ay xaaladdu faraha kasii baxday.

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonaan xiisadaha colaadeed ee ka taagan degmada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, taasi oo u dhaxaysa maleeshiyaadka mucaaradka iyo kuwa daacadda u ah madaxa maamul goboleedka Riddada ah ee Puntland.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -05-05-1445-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -05-05-1445 Hijri.

Related Stories

Dhagayso Andalus Podcast: Waa Kuwee Firqooyinka Baalmaray Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
  • Allposts
  • PODCASTS

Dhagayso Andalus Podcast: Waa Kuwee Firqooyinka Baalmaray Ahlu Sunna Wal-jamaaca.

July 30, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 16-02-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 16-02-1448-Hijri.

July 30, 2026
Weeraro Lagu Miray Saldhigyada AUSSOM Iyo Kuwa Gurguurte Ee Sh/dhexe Iyo Baay.
  • Allposts
  • Warar

Weeraro Lagu Miray Saldhigyada AUSSOM Iyo Kuwa Gurguurte Ee Sh/dhexe Iyo Baay.

July 30, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada