Masuuliyiinta Kenya, ayaa xildhibaan Yuusuf Kabaale u diiday in uu dalkaasi galo, ka dib markii uu madaarka magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya kasoo degay , isagoo kasoo laabtay waddanka Sucuudiga.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in saraakiisha socdaalka dowladda Kenya ay ku wargeliyeen Yuusuf Kabaale, in uu ku jiro liiska xildhibaanno iyo masuuliyiin ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya oo laga mamnuucay inay galaan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Nairobi.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya, in xildhibaan Yuusuf Kabaale diyaarad laga soo saaray garoonka Joma Kenyatta, waxaana loo tarxiilay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.