26-kii bishii Agoosto sanaddii 2023 maanta oo kale sedax sano ka hor waxaa deegaanka Cowsweyne ee gobolka Galgaduud bartamaha dalka Soomaaliya ka dhacay mid ka mid ah dagaalladii waaweynaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya tan iyo markii uu Xasan Gurguurte Xamlada ashahadda ladirirnimo ku iclaamiyay wilaayaatka islaamiga ah.
Dirirtan oo dhacday subax Sabti ah ayay dadka ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga ah kusoo waaberiisteen codka dananaya ee Idaacadda Andalus, qof walba oo maalintaas daarta raadiyaha waxaa dhegtiisa kusoo dhacayay astaanta barnaamijka caanka ah ee Tebinta Tooska ah.
Wariyaasha idaacadda ayaa maalintaas tebinayay qaabka ay usocoto macrakada iyagoo xog iyo falanqeyn kasii deynayay idaacadda Andalus.
Macrakada Cowsweyne waxay kusoo aadday waqti xasaasi ah oo cadowgu uu soo qabsaday magaalooyinka waaweyn ee wilaayada Islaamiga Galguduud oo ay kamid ahaayeen Ceeldheer,Ceelbuur iyo Galcad ayna doonayeen in ay gaaraan degmada Galhareeri.
Weerarkii Cowsweyne waxaa lagu dilay in ka badan laba boqol oo askari oo isugu jiray saraakiil iyo askar, kuwaas oo qayb ka ahaa maleeshiyaad hubaysan oo ujeeddadoodu ahayd inay weeraraan deegaannada gobolka Galgaduud ee Kujira gacanta mujaahidiinta.
Guushii weyneed ee Alle ku mannaystay addoomadiisa mujaahidiinta ah waxay waxbadan ka bedeshay qaab dagaaleedka gobollada dhexe, macnawiyaatka muslimiinta ayaa kor noqday halka niyad jab iyo kala firxad uu usoo galay maleeshiyaadka murtadiinta ee ku sugnaa gobollada dhexe ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Xuseen Macallin lataliyihii amniga qaranka ee kooxda Ridada Soomaaliya oo bishii lasoo dhaafay sedax sano kadib ka hadlay dhacdadii Cowsweyne ayaa sheegay in guuldarro qaraar ladhaxalsiiyay ciidankooda islamarkaana ay guusha hanteen mujaahidinta alshabaab.
wuxuu carrabaabay in kasoo kabsashada jabkii Cowsweyne ay sanado badan qaadanayso,xuseen Macallin ayaa caddeymaha uubixiyay kudheeraaday wixii Cowsweyne kadhacay 2023.
Xasan Gurguurte madaxweynaha Kooxda Ridada oo xilligii uu dagaalka Cowsweyne dhacayay ku suganaa degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud ayaa warbaahinta ka hadlay iyadoo wejigiisa laga dareemayo murugo iyo niyad jab weyn wuxuuna qirayay in maleeshiyaadkiisa lagu jebiyay dagaalka Cawsweyne.
Askartii dagaalka ka soo firxatay ayaa qaarkood u cararay magaalada Muqdisho. Qaar kale waxay dib ugu laabteen deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen, halka kuwo kalena ay dalka dibaddiisa qaab tahriib ah ugu baxsadeen.
Marka laga soo tago khasaaraha naf iyo maalba leh ee dagaalka ka dhashay, waxa kale oo la sheegay inuu qalqal iyo jahawareer ka dhex abuuray kooxda dowladda. Waxa la dareemay in kala-furfurnaan ay ka dhex bilaabatay ciidamadeeda, isla markaana ay u sii dhawaanayaan waddadii burburka.
Markii ciidankoodu jabay, hoggaanka kooxda ayaa garwaaqsaday in ciidamadii ka soo cararay Galgaduud aysan ku ekaan doonin Muqdisho. Waxa la sheegay inay soo dhawaatay xaalad la mid ah tii ka dhacday magaalada Kabul 15-kii Agoosto 2021-kii.
Xildhibaanno katirsan golaha dawaaqiidda ayaa Muuqaallo iskasasoo duubay iyagoo murugeysan waxayna ugu baaqayeen saaxiibadooda kale in ay isgarab taagaan Xasan Gurguurte oo xilligaas wajahayay guuldarro weyn,cusmaan dubad oo xilligaas katirsanaa nidaamka Villa Somalia ayaa ka digay in Cowsweyne kadib masiirkoodu uu mugdi galay.
madaxda kooxda Riddada ayaa bilaabay dagaalkii Cowsweyne kadib inay banneeyaan xafiisyadooda, iyagoo furimaha dagaalka ugu tegaya ciidamadooda. Maleeshiyaadkaas ayaa la sheegay inay ka cabsi qabaan inay dagaalladu ku soo fidaan magaalooyinka waaweyn, gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayna lakulmaan wax lamida dhacadadii Cosweyne.
Cabdiqaadir Maxamed Nuur wasiirkii gaashaandhigga ee xilligaas iyo Axmed Macallin Fiqi ayaa farriimo umuuqday kuwa niyad dejin ah udirayay maleeshiyaadka oo aan dheg laqabta laheyn kuwaas oo ka firxanayay goobta dagaalka.
Sheekh Mahad Warsame oo kamid ah mas’uuliyiinta mujaahidiinta ayaa kalimad uu jeediyay weerarkii Cowsweyne kadib iftiimiyay waxa ay yihiin maleeshiyaadkii halkaas lagu laayay iyo cadowga ay mujaahidiintu ka hor taaganyihiin muslimiinta oo ay ka difaacayaan.
Camaliyaddii barakaysneed ee Cowsweyne ayaa isku dhaxyaacisay awraaqda siyaasadda iyo caskariga murtadiinta,saraakiil ciidan iyo madaxweynaha maamulka ashahaadda ladirirka Hirshabelle ayaa gaaray magaalada Aadan Yabaal oo qudheeda xilligaas uu qalqal melleteri kajiray waxayna usheegayeen murtadiinta in aysan ka dambeyn meel loo cararo,inkastoo markii dambe mujaahidiintu ay cadowga ka faramaroojiyeen degmada Aadan Yabaal ooh adda ah magaalo shareecada islaamka lagu maamulo.
Allaah fadligiis Cosweyne kadib guulaha mujaahidiinta ayaa israac raacay waxaana cadowga laga xoreeyay degmooyinkii uu ka qabsaday wilaayaadka Hiiraan iyo shabeelaha dhexe sidoo kale cadowga waxaa laga saaray degmada Cammaara,Caad,Bacaadweyn iyo shabelloow oo dhammaantood katirsan wilaayada islaamiga Mudug