Inka badan 3 bilood oo dagaal beeleedyo lagu hoobtay ay ka socdeen deegaan lagu magacaabo Dhabar-dalool oo ka tirsan gobolka Sool ee dhaca gobolka waqooyi bari ee dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay waxaa horumar laga gaaray daminta colaaddaasi, ka dib markii ay ku baxeen odayaasha deegaanka.
Colaadahan Sokeeye oo u dhaxeeyay laba beelood oo walaala ah waxay natiijadu noqotay in colaaduhu galaaftaan nolosha 169 ruux oo isugu jira rag, dumar iyo caruur, sida uu ka dhawaajiyay mid ka mida odayaasha deegaanka.
Odayaasha colaaddan ku baxay waxay sheegeen in xudunta ama halka saldhigga u ah colaaddan ay tahay maamullada ashahaada la diriryada ah ee Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo ah maamullo faasidiin ah oo loollan siyaasadeed oo adag uu ku dhexmarayo gobolka.
Halkan Ka Dhagayso Faahfaahinta.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com