Qaraxyo isxigxigay oo khasaare lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka dowladda Ridada federaalka waxay saacadihii lasoo dhaafay ka dhaceen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.
Qaraxyada oo ahaa kuwa lala eegtay fariisimo maleeshiyaadka Ridada ay ka samaysteen caasimadda waxa uu qaraxa koowaad ka dhacay fariisin ay ciidamada dowladdu ka samaysteen xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay waxay soo wariyeen in qaraxaas lala eegtay fariisinka dowladda ee Seybiyaano lagu dhaawacay 3 askari oo murtadiin ah.
Qaraxa labaadna waxa uu ka dhacay xaafadda Carafaat degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu qarxiyay fariisin ay maleeshiyaadka dowladda Ridada kaga sugnaayeen aagga xaafadda Carafaat.
Lama warin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha maleeshiyaadka dowladda kasoo gaaray qaraxan ka dhacay xaafadda Carafaat.
Howlgalladan qaraxyada ah ee ka dhacay Banaadir waxay kusoo beegmayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada shabaabul Mujaahidiin kowaada ka howlgala Muqdisho howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degmada Dheerkeynley ku dileen askari murtad ah oo ka tirsanaa jawaasiista dharcadda kooxda Ridada Soomaaliya kaas oo lagu magacaabi jiray Maxamed Shuute.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com