Maghribnimadii caawa waxaa inta badan degmooyinka gobolka Banaadir si wayn looga maqlay jugta qarax culus oo camaliyad Istish-haadi ah oo taas oo lala eegtay saraakiil iyo xubno sare oo ka tirsan dowladda Ridada.
Camaliyadan Nafhurnimo waxaa fuliyay halyey ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta xarakada shabaabul Mujaahidiin waxaana uu ku beegsaday goob isku imaatin ah oo kutaal agagaarka xarunta sirdoonka dowladda federaalka ee magaaalda Muqdisho.
Camaliyadda Istish-haadiga oo ahayd mid aad u xooggan waxay dhalisay khasaare baaxad leh oo soo gaaray xubno kala duwan oo ka tirsan sirdoonka, millatariga iyo booliska kooxda Ridada Soomaaliya.
Idaacadda Al-andalus ee ku hadasha afka xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay baahisay in weerarka istish-haadiga ah lagu dilay inka badan 17 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa sirdoonka, millatariga iyo booliska Ridada ka dib camaliyad Nafhurnimo ah oo caawa lagula eegtay agagaarka xarunta sirdoonka dowladda Ridada Farmaajo.
Camaliyadan Istish-haadiyada ah waxay kusoo beegmaysaa xilli dowladda Ridada ee ka jirta Muqdisho ay shaacisay in si aad ah loo u adkeeyay ammaanka magaalada caasimadda ah balse waxay camaliyaddan daaha ka rogaysaa amni xumada daashatay magaalda Muqdisho oo ah halka kaliya ee ay kusoo uruurtay maamulka xukuumadda Ridada.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com
masha allh daba dhilifyada diidey waxkle markay dhintaan ayey garanayaan inay mujrimiin ahaayeen alle gacanta mujaahidiinta haku ciqaabo