Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab waxay saaka weerar culus kula jarmaadeen saldhigga ciidamada dowladda federaalka ay ka samaysteen deegaanka Sabiid ee dhaca duleedka degmada Afgooye ee wilaayada shabeellada hoose.
Dagaalka oo ahaa mid aad u culus waxay Mujaahidiintu cagta ku mariyeen saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Sabiid iyo fariisinka maleeshiyaadka kooxda Farmaajo ee buundada Sabiid.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dagaalka oo ahaa mid culus si wayn loogu xasuuqay ciidamada dowladda waxayna xogaha intaas ku darayaan in deegaanka uu si rasmi ah ugu soo dhacay gacanta shabaabul Mujaahidiin.
Idaacadda Al-andalus waxay baahisay in dagaalkaasi si xun loogu jabiyay ciidamada dowladda cagtana lagu mariyay saldhigga iyo fariisinka Ridada ee deegaanka Sabiid waxaana lasoo wariyay in maleeshiyaadka dowladda ee ku sugnaa deegaanka Sabiid ay u qaybsameen kuwa la laayay iyo kuwa firxaday.
Ciidamada Mujaahidiintu markii ay gudaha u galeen deegaanka ka dib waxay goob fagaare ah kula hadleen dadka deegaanka waxaana hadda deegaanka gacanta ku haya ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
” Maleeshiyaadka Ridada ee firxadka ah waxaa ku daba jira ciidamada shabaabul Mujaahidiin” sidaas waxaa baahisay Idaacadda Al-andalus.
Waa weerarkii saddexaad oo muddo hal toddobaad gudihiisa ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin cagta ku mariyaan saldhigyada ciidamada dowladda ay ka samaysteen Soomaaliya kuwaas oo ka kala dhacay deegaannada Cadakibir, Qeycad iyo midkan saaka lagala dul dhacay saldhigga ciidamada dowladda ee deegaanka Sabiid.
La Soco Faahfaahinta Insha’allaah.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com