Xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo maamulka maqaar saarka ah ee Hirshabeelle ayaa la kulmay weerar duqayn ah oo kaga yimid dhanka ciidamada shabaabul Mujaahidiin.
Guutooyinka madaafiicda Mujaahidiintu waxay weerarro madaafiic ah ku garaaceen qasriga madaxtooyada maamulka ashahaada la dirirka ah ee Hirshabeelle ee magaalada Jowhar, waxaana halkaas ka dhashay khasaare lixaad leh oo soo gaaray cadowga.
Ilo xog[ogaal ah waxay xaqiijiyeen in 8 madfac ay gudaha u galeen xarunta madaxtooyada maamulka Hirshabeelle, waxaana la xaqiijiyay in uu burbur xooggan soo gaaray xarunta madaxtooyada.
Wararku waxay intaas ku darayaan in xilliga ay duqayntu dhacaysay qasriga madaxtooyada ay kulan gaar ah kulahaayeen madaxwaynaha maamulka murtadka lagu magacaabo Cali Xuseen Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed.
Dhinaca kale waxay ciidamada shabaabul Mujaahidiin weerar qaraxa la beegsadeen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Ridada federaalka oo ku socdaalayay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Qaraxaan waxa uu haleelay gaari Tow ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Baangaraafta dowladda Ridada ee ay soo carbisay dowladda Maryaknka waxayna ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen in qaraxaas uu gabi ahaan burburiyay gaariga Tow-ga ah askartii la socotay ay u qaybsameen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmay.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com