Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Al-Shabaab: Dowladda cusub ee Kenya waxay heysataa fursad ay ciidankeeda kula baxdo [BAYAAN]
  • Allposts
  • Warar

Al-Shabaab: Dowladda cusub ee Kenya waxay heysataa fursad ay ciidankeeda kula baxdo [BAYAAN]

August 29, 2022

War saxaafadeedkan oo ku qornaa luuqadda English kana soo baxay maktabka warfaafinta ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dowladda Kenya ay heysato fursad kale oo u suuragelin karta in ay dib u eegis ku sameeyaan siyaasadeeda arrimaha dibadda gaar ahaan duuullaanka military ee gardarada ah ee ay kusoo qaadeen wadanka Soomaaliya.

Waxaase haddii ay khasaariyaan fursadaas loo sheegay inay cuqubadeedu noqon doonto mid ka adag intii hore.

“Doorasho si adag loogu loollamay oo wadanka ka dhacday kadib, Kenya waxay maanta taagan tahay dariiq kalabeyr ah xilli ay Kenyaatigu isku diyaarinayaan in ay xafiiska keensadaan madaxweyne cusub, waxay markale heystaan fursad ay ku muraajaceyn karaan go’aannada siyaasadooda arrimaha dibadda iyo raadadka ka dhalanaya go’aanadaas oo uu ugu horreeyo duullaanka sharci darada ah ee ay kusoo qaadeen Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Musharrixiinta uu tartamayey xilka madaxtinimo ee wadanka ayuu sheegay war saxaafadeedku in mudadii lagu gudajiray ololaha doorashadooda aysan dadweynaha usoo bandhigin ajandayaasha uga aadan amniga faraha kasii baxaya ee dalka Kenya iyo duullaanka sii daba dheeraaday ee ay ciidankooda ku joogaan Soomaaliya, taasna ay ka tarjumeyso inay weli kusii adkeeysanayaan wadada dagaalka si ay u meelmariyaan danaha asyaadooda reergalbeedka iyagoo halis gelinaya nolosha muwaadiniintooda, mudnaanta ugu horeysana siinaya masaalixda reergalbeedka ee ay xaqiijinayaan.

“Muddo 11 sano ah ayaa laga joogaa markii ay Kenya duullaanka kusoo qaaday Soomaaliya, ilaa maantadana Kenya kuma guuleysan wax uun ka mid ah ahdaaftii aasaasiga ahayd ee duullaanka, ciidamada military Kenya waxay ku go’doonsan yihiin saldhigyadooda, kama soo baxaan godadka ay gabbadaan xabadda Mujaahidiinta, mana awoodaan inay qaadaan weerar ka dhan ah Mujaahidiinta, halka dhanka kale, Mujaahidiintu ay sii laba jibbaareen weeraradooda aargoosiga ah ee ka dhacaya gudaha Kenya, ayna fuliyeen boqolaal weeraro abaabulan ah oo lagu beegsaday ciidanka Kenya iyo xarumahooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

War saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska warfaafinta Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in markii dowladda Kenya ay ku guuldareysatay sugidda amniga wadanka, inay xukuumaddu maciin biday inay afka u qabato warbaahinta si xaqiiqooyinka argagaxa leh ee laga soo gudbinayo dagaalada looga qariyo dadka Kenyaatiga ah, loogana hortago inay dadku isweydiiyaan su’aalaha xasaasiga ah ee ku saabsan duullaanka Soomaaliya.

Waxay sidoo kale dowladda Kenya diiday in ay qirato tirada askarta loog dilay Soomaaliya kuwaas oo ilaa maanta aan la garaneyn, tiradoodana la ogeyn.

Intaas waxaa sii dheer in askartii u dhimatay difaaca dalkooda sida la sheegay lagu aasay xabaala aanan la garaneyn, halka maxaabiistii looga qabtay dagaalada meel cidla ah looga dhaqaaqay.

War Saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in dowladda Kenya ay sii laba jibbaartay cadaadiska ka dhanka ah dhalinyarada Muslimiinta iyadoo kula kaceysa afduub iyo dilal sharci daro ah iyadoo ku hoos gabaneysa la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada, waxaana ay Xarakadu baaq Muhiima u jeedisay dhalinyarada Muslimiinta.

War saxaafadeedka waxaa lagu yiri: “Waxaan muslimiinta Kenya ku boorineynaa inay difaacdaan dhibaatada ay dowladda Kenya ku heyso iyaga iyo qoysaskoodaba. Aamusnaantiina waxay sii xoojineysaa inuu sii socdo dulmiga lagu hayo walaalahaaga. Muslimiinta Kenya iyo Soomaaliya waa inay yeeshaan istaraatiijiyad wada shaqeyn oo ka dhan ah gaalada, ayna soo jawiibaan baaqa Allaah ee ah inaan la dagaalano gaalada.”

War Saxaafadeedka ayaa gebagebadii fariimo muhiim ah u jeediyey dowladda Kenya iyo shacabkeeda waxaana lagu yiri: “Dhowr jeer ayaanu idinkaga dignay in duullaanka sharci darada ah ee aad kusoo qaadeen Soomaaliya, iyo siyaasadaha dulmiga ku dhisan ee dowladihiina ay yeelan doonaan cawaaqib halis badan, iminkana waxaan idiin sheegeynaa in inta ay dowladiinu sii wado duullaanka ka dhanka ah dhulalkeena, sii joogteeyneyso dulmiga ka dhanka ah walaalaheena Muslimiinta, wey sii socon doonaan weerarada ka dhacaya gudaha dalkiina, ogaada inaan gardaradiina ka difaaci doono dhulalkeena iyo dadkeena, waxaan si gaar ah diiradda u saari doonaa fulinta weerarada ka dhanka ah magaalooyinkiina intaba xukuumadiina ay heysato dhulalka Muslimiinta.”

“Haddii dowladda cusub ee la doortay ay kusii adkeeysato dariiqa dagaalka iyo sii socoshada duullaanka gardarada ah ee Soomaaliya, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ma beegsan doonto oo kaliya ciidamada kusoo duulay wadanka, balse ay weeraro ka fulin doontaa xudunta iyo xarumaha waaweyn ee Kenya Allaah idankii, ilaa inta saliibiyiinta Kenya laga ceyrinayo dhulalka Muslimiinta ee ay kusoo duulleen, Shareecada Allaahna laga hirgelinayo, diinta oo idilna ka noqoneysa mid Allaah oo kaliya u sugan” ayaa lagu soo gunaanaday war saxaafadeedka.

Img Description
Img Description
    

About The Author

calamada

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhageyso Wareysiga Amiirkii Hogaaminayay Halyeeyadii Fuliyay Weerarkii Hoteel Xayaat.
Next: Jabhadda TPLF Oo Dagaal Kula Wareegtay Magaalada Weldiya.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-01-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -16-01-1447-Hijri.

July 10, 2025
Dhagayso Kornayl Cali Dhuux Oo Qiray Xaaladda Kala Cararka Maleeshiyada Maxaas.
  • Allposts
  • Warar

Dhagayso Kornayl Cali Dhuux Oo Qiray Xaaladda Kala Cararka Maleeshiyada Maxaas.

July 10, 2025
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -15-01-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -15-01-1447 Hijri.

July 10, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 22 aad)

July 5, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 21 aad)

June 26, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 20 aad)

June 23, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 19 aad)

June 20, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Saraakiishii Iyo Maleeshiyaadkii Lagu Laayay Weerarkii Moqokori.

July 8, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Degmada Moqokori.

July 7, 2025
Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maydadka Maleeshiyadii Lagu Laayay Duleedka Moqokori.

July 6, 2025
Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Mujaahidiinta Oo Si Nabad Ah Kula Wareegay Deegaanno Ku Dhow Moqokori.

July 3, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Ceel-qooxle.

June 30, 2025
Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Maleeshiyadii Gurguurte Lagu Laayay Weerarkii Duleedka Ceel-qooxle.

June 26, 2025
Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno U Dhow Moqokori.

June 24, 2025
Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Khasaaraha Weerarkii Barujeed Oo Kordhay Iyo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirrada Weerarka.

June 23, 2025
Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Ciidanka Shabaabul Mujaahidiin Oo Toddobaadkii 2-aad Ku Sugan Ceel-hareeri.

June 11, 2025
Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada