Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Xarakada Oo Bayaan Kasoo Saartay Xasuuqii Maraykanka Ee Oodweyn.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xarakada Oo Bayaan Kasoo Saartay Xasuuqii Maraykanka Ee Oodweyn.

September 7, 2023

Bayaankan oo ku qornaa luuqada English-ka, kana koobnaa laba bog ayaa kasoo baxay maktabka siyaasada iyo wilayaatka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Waxa lagu faahfaahiyey weerarkii wuxuushnimo ee diyaaradaha saliibiyiinta Mareykanka ka geysteen deegaanka Oodweyn ee wilaayada Islaamiga Galgaduud, halkaas oo lagu dilay ayeeyo 60 jir ah iyo shan caruur ah.

Bayaanka ayaa lagu yiri: “Iyadoo qeyb ka ah gaboodfaladii ugu dambeeyey ee saliibiyiinta Mareykanka ku hayeen Muslimiinta Soomaaliyeed, waxay saliibiyiinta AFRICOM weerar habeen dheelmad ah ku qaadeen tuulada Oodweyn ee wilaayada Galgaduud, halkaas oo ay ku dileen kuna afduubteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan”

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu sheegay in diyaaradaha saliibiyiinta ay duqeymo ka fuliyeen deegaanka, kadibna ciidamo katirsan cadowga ay kusoo degeen halkaas islamarkaana dileen lix ruux oo kala ah:

  1. Muscab Daahir Axmad oo saddex sano jir ah
  2. CabdiRaxmaan Daahir Axmad oo 4 sano jir ah
  3. Cabdi Mahad Daahir Axmad oo 5 sano jir ah
  4. Cabdi Qani Daahir Axmad oo 7 sano jir ah.
  5. Ikhlaas Axmad oo 7 sano jir ah
  6. Iyo Kaaho Takar Warsame oo 60 sano jir ah

Bayaanka kasoo baxay maktabka siyaasada iyo wilayaaatka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa lagu xaqiijiyey in saliibiyiintu ay qaateen meydadka 5ta caruurta ah iyo ayeeyadooda si ay adduunka uga qariyaan gaboodfaladii ay geysteen.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa tacsi u dirtay ehelka iyo qaraabada dadka lagu dilay weerarkaas wuxuushnimo, waxayna sidoo kale fariimo kala duwan u jeedisay cadowgii isu soo baheystay fulinta weerarkaas ee isugu jira Murtadiinta iyo saliibiyiinta.

“Maleeshiyaatka Murtadiinta ah ee saliibiyiinta ku caawiyey falkan fuleynimada ah waxaan leenahay, ogaada falalka gurracan ee aad ku kaceysaan lama ilaabi doono lamana cafin doono. maanta waxaa ihaano iyo bahdil idinku filan inaad soo hor kacdaan saliibiyiinta kuna soo hogaamisaan guryaha iyo deegaanada dadkiina, islamarkaana aad ku kaalmeysaan gumaadka ay kula kacayaan hooyooyinkiina iyo caruurtiina. Ogaada murtadiinyahay, waa la idinkula xisaabtami doonaa falalkan aad ku kacdeen inta aad joogtaan dunida, waxaase taas kasii daran xisaabta idiin sugeysa maalinta aakhiro” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sidoo kale baaq u jeedisay qabaa’ilka Muslimiinta waxaana bayaanka lagu yiri: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ugu baaqeysaa dhamaan qabaa’ilka Soomaaliyeed iyo wiilashooda inay meel uga soo wada jeestaan gaboodfalada Mareykanka, ayna garab istaagaan walaalahooda Mujaahidiinta. Ogaada maanta Mareykanku lama dagaalamayo Mujaahidiinta oo kaliya balse wuxuu dagaal kula jiraa diinta Islaamka iyo dhamaan dadka Muslimiinta ee aaminsan ku dhaqanka shareecada Islaamka, sidaas darteed waajib ayey nagu tahay inaan difaacano diinteena, dhulkeena, hantideena iyo sharafkeena” ayaa lagu yiri

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa saliibiyiinta Mareykanka ku wargeliyey inay si degdeg ah kusoo celiyaan meydadka Muslimiinta ee ay qaateen si dadkaas Muslimiinta ee la dilay ay u heleen aas waafaqsan shareecada Islaamka oo xurmad leh.

Ugu dambeyntii, Bayaanka kasoo baxay maktabka siyaasada iyo wilaayaatka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Waxaa  lagu soo gabagabeeyey hanjabaad iyo goodi adag oo loo jeediyey saliibiyiinta Mareykanka waxaana lagu yiri: “Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ballan qaadeysaa inay saliibiyiinta Mareykanka ka aargudi doonto dhibic walba oo dhiig Muslim ah oo ay daadiyeen, ayna sii wadi doonto difaacida cirdiga dadka muslimiinta ee la dulmiyey iyo la dagaalanka saliibiyiinta iyo dabadhilifyadooda Murtadiinta ilaa inta dhulalka Muslimiinta laga xoreynayo, shareecada Allaahna si dhameystiran dhulka looga hirgelinayo.

Allaah wuxuu yiri:

وَقَاتِلُوهُمْ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتْنَةٌ وَيَكُونَ الدِّينُ لِلَّهِ ۖ فَإِنِ انتَهَوْا فَلَا عُدْوَانَ إِلَّا عَلَى الظَّالِمِينَ

Halkan Ka Degso Bayaanka Oo PFD Ah.

Ama Hoos Ka Akhriso.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Dhagayso Sh Kabakutukade Oo Ka Hadlay Weerarkii Lagula Wareegay Nuur-dugle.
Next: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -23-02-1445-Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 30-07-1447-Hijri.

January 19, 2026
Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.
  • Allposts
  • Warar

Maraykanka Oo Ku Dhawaaqay In Uu Joojin Doono Taakuladii Uu Siin Jiray Maleeshiyada Gurguurte.

January 19, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -30-07-1447-Hijri

January 18, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026
Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Maydadka Maleeshiyadii Maanta Lagu Laayay Duleedka Deegaanka No/60 Ee Sh/hoose.

January 14, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Gedo.

January 13, 2026
Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Bannaanbaxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 12, 2026
Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Isku Soo Baxyo Looga Soo Horjeedo Faragelinta Yahuudda Ee Waqooyi Galbeed Oo Ka Dhacay Wilaayaadka Islaamiga.

January 10, 2026
Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Oo Duqayn Ku Burburiyay Warshaddii Biyaha Daruur Ee Saakow.

January 9, 2026
Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Howlgalkii Lagu Khaarajiyay Mujrimkii Ka Dambeeyay Xasuuqii Shacabka Jamaame.

January 5, 2026
Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro: Ciidamada Mujaahidiinta Oo La Wareegay Deegaanno Ka Tirsan Sh/dhexe.

December 31, 2025
Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Beesha Biyamaal Oo Suldaan Cusub Ku Caleemo-saaratay Kurtun-waarrey.

December 20, 2025
Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Burburka Gaari Laga Qarxiyay Baangaraafta.

November 30, 2025
Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Maraykanka Iyo Murtazaqadiisa Oo Dad Shacab Ah Ku Xasuuqay Jammaame.

November 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada