Degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, waxay maanta marti-gelisay isku soo baxyo ballaaran oo dadka deegaanku kaga soo horjeedaan duqeymaha diyaaradaha Turkiga ee ay ku beegsanayaan shacabka magaaladaasi.
Dadweyne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay bartamaha Buurhakaba, halkaas oo ay ku gubeen calanka dowladda Riddada Turkiga, sidoo kalena ka jeediyeen hadallo ay ku cambaareynayaan duqeymaha Turkiga.
Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada, ayaa muujiyay shacab careysan oo dab qabad-siinay sawirrada madaxweynaha dowladda Riddada Turkiga Rajjab Tayyin Erdogan iyo madaxa kooxda Riddada murtad Xassan Gurguurte.
Buurhakaba waxay ka mid tahay degmooyinka laga fara-maroojiyay gacanta maamulka Ashahaada la dirirka ah ee kooxda Riddadu ka dhisatay Baydhaba ayna la wareegeen ciidamo taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, Turkiga ayaa magaaladan ka gaystay duqeyn uu ku dhibaateeyay dadka shacabka, waana tan keentay isku soo baxa rayidka ee ka dhanka ah duqeymaha Turkiga.
Dibadbaxyo kuwan la mid ah ayaa horay waxay uga dhaceen gobollada dhaca koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya, halkaas oo ay isugu soo baxeen kumannaan shacab Soomaaliyeed ah oo ka careysan xadgudubyada Turkigu ka geysanayo Soomaaliya.