Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Muuse Biixi Oo Sheegay In Heshiiskii Burcadnimada Uu Difaacayo Maraakiibta Isticmaasha Badda Cas.
  • Allposts
  • Warar

Muuse Biixi Oo Sheegay In Heshiiskii Burcadnimada Uu Difaacayo Maraakiibta Isticmaasha Badda Cas.

May 26, 2024

Madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland murtad Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraysi uu siiyay wargeyska Financial Times ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ku sheegay in heshiiska badda ee maamulkiisu la galay Itoobiya uu yahay mid maamulkiisu ku taageerayo xaqiijinta amniga maraakiibta reer galbeedka iyo kuwa reer Yurub ee isticmaala gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Muuse Biixi. ayaa wargayskan si cad ugu sheegay in heshiiska Itoobiya ay kusoo gaarsiinayaan biyaha badda Cas uu qayb ka yahay dedaallada caalamiga ah ee lagu xaqiijinayo xorriyadda socdaalka biyaha gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, gaar ahaan sugidda amniga maraakiibta reer galbeedka, halkaas oo ay kala kulmayeen weeraro isdaba joog ah bilooyinkii lasoo dhaafay kooxda Xuuthiyiinta ee fadhigeedu yahay dalka Yeman.

Wargayska ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha dowladda Itoobiya ee ku aadanaa qaadashada dhul badeedka ku xeeran Berbera uu ka qayb ka yahay inay hesho deked ay iyadu leedahay iyo maraakiib dagaal oo gacan ka geysan kara ka hortagga khataraha amni ee ka jira biyaha badda.

“Itoobiya waxay dhisan doontaa saldhig ciidan oo dhanka badda ah, waxayna yeelan doontaa maraakiib ganacsi, beddelkeedana Itoobiya waxay dhankeena na siin doontaa aqoonsi, tanina waa aasaaska heshiiska, ayuu yiri Muuse Biixi.

Murtad Muuse Biixi oo sii hadlayay ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay tallaabo uu ku xaqiijinayo riyadiisa ah in uu Itoobiya ka helo madax-bannaani buuxda, wuxuuna yiri “Heshiiska taariikhiga ah ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya waxa uu ina siin doonaa dariiq cad oo loo maro aqoonsiga caalamiga ah”.

Wargayska Financial Times oo soo xiganaya sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo qayb ka ah wada-hadallada heshiiskii xaaraanta ahaa ee Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah Badda Soomaaliya ayaa sheegay in uu aad ugu rajo wayn yahay in uu dhaqan galo heshiiska badda lagu siiyay, dhaqan gelinta ayuu ku tilmaamay inay tahay arin siyaasad dhab ah oo lama huraan u ah dowladdiisa.

Dowladda Itoobiya, ayaa tan iyo 1993-dii naawileysay inay hesho marin biyood caalami ah oo ku xira caalamka intiisa, kaddib markii ay ka go’day Eritrea, sidaas na ay ku noqotay bad la’aan. balse waxa ay u aragtaa heshiiskan ay la gashay Somaliland inuu yahay mid lagu dhimi karo ku tiirsanaanteeda waddanka Jabuuti ee dhinaca badda, maadaama ay Jabuuti u ahayd marin biyoodka ay kala soo degi jirtay badeecaha.

Muuse Biixi Cabdi oo ah madaxa maamulka Hargeysa, ayaa gabagabadii wargayska u sheegay in aqoonsiga uu maamulkiisa Itoobiya kaga bedeshay khayraadka umadda Soomaaliyeed uu u furi karo maalgashi lagu sameeyo dhaqaalaha, kaasoo isugu jira ganacsi dhanka badda, xawaaladaha iyo xoolaha la dhaqdo si gaar ah geela, marka laga soo tago in heshiiskan uu difaacayo maraakiibta isticmaasha biyaha badda, haddana wuxuu ku sheegay in uu yahay wax-ka-beddel dhaqaale.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-11-1445 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -18-11-1445 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -12-11-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -12-11-1447-Hijri

April 28, 2026
Nusratul Islam Oo Dhegta Dhiigga U Dartay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Mali.
  • Allposts
  • Warar

Nusratul Islam Oo Dhegta Dhiigga U Dartay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Mali.

April 28, 2026
Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -11-11-1447 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -11-11-1447 Hijri.

April 28, 2026

Sawirro

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026
Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Maraykanka Oo Duqayn Ku Dilay Maxaabistii Dagaal Ee Lagu Qabtay Kudhaa(Arag Sawirrada Maxaabiista).

January 22, 2026
Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Al-kataa’ib Oo Faafisay Sawirro Horleh Oo Ku Saabsan Weerarkii Lagu Xoreeyay Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weerarka Cagmarinta Ah Ee Mujaahidiintu Kula Wareegeen Jaziiradda Kudhaa.

January 21, 2026
Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Qaniimada Mujaahidiintu Kusoo Furteen Weeraradii Cagmarinta Ee Duleedka Warsheekh.

January 18, 2026
Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Weeraradii Cagta Lagu Mariyay Xeryaha Duleedka Warsheekh Iyo Maydadka Maleeshiyada La Laayay.

January 18, 2026
Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqaymo Maraykanka Iyo Danab Ku Beegsadeen Xaafadaha Jammaame.

January 16, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada