Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Qodobbada Heshiiska Barri Dhaqan-gelaya Ee U Dhaxeeya Wax Iska Caabinta Falastiin Iyo Yahuudda.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Qodobbada Heshiiska Barri Dhaqan-gelaya Ee U Dhaxeeya Wax Iska Caabinta Falastiin Iyo Yahuudda.

January 18, 2025

Maalinta barri ee Axadda ah taariikhduna ku beegan tahay 19-ka Rajab, kuna beegan 19-ka January waxaa dhaqan-geli doona heshiiska xabad joojinta ah ee ay kala saxiixdeen kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin iyo maamulka gumeystaha Yahuudda, kaasi oo yimid 15 bilood kaddib oo sabar iyo sugnaan ah oo ay muujiyeen reer Gaza, iyaga oo dagaal adag kula jiray gumeystaha gudaha usoo galay magaaladooda, kuna sabrayay duqaymaha cadowtooyo.

Golaha wasiirada maamulka sahaayinada ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is-dhaafsiga ee dhex maray kooxaha wax iska caabinta iyo maamulka uu fadhigiisu yahay Tal’abiib.

Haddaba maxay yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska xabad joojinta ah ee khamiistii lasoo dhaafay ay wada gaareen muqaawamada reer Falastiin iyo maamulka uu hoggaamiyo Benyamin Netanyahu.

Heshiiskan xabad joojinta ah ayaa mari doono ilaa saddex marxalo, waxay marxaladda ama wajiga koowaad socon doontaa ilaa 42 maalmood sida ku cad bunuudda heshiiska oo la shaaciyay.

Wajiga koowaad ee qodobada heshiiska waxaa ugu muhiimsan in dhinacyada kooxaha wax iska caabinta iyo ciidanka gumeystaha ay joojiyaan howlgallada millatari, ciidanka sahaayinadu ka baxaan Gaza, in Yahuuddu siidayso 2,000 oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo isugu jira kuwa ku xukuman xabsi daa’in iyo kuwa dambiyo culus u xiran iyo sidoo kale 1,000 maxbuus oo la qabtay wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar.

Sidoo kale waxaa wajiga kowaad ee heshiiska ka mid ah in wax iska caabintu sii deyso 33 maxaabiis Yahuud ah oo isugu jira kuwa nool iyo kuwa dhintay, waxaa sidoo kale heshiiska wajiga koowaad ka mid ah in dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay si xoriyad leh guryahooda kusoo laabtaan, sidoo kalena si maalinle ah loo sameeyo gurmadka Falastiiniyiinta oo isugu jira cuno biyo iyo shidaal, maalintiina la gaarsiiyo Gaza 600 oo gaadiid gurmad ah.

Dhismaha 60,000 guri oo kumeel gaara oo loo dhisayo dadka Falastiiniyiinta ee guryahooda ku burbureen duqaymaha cadowtooyo ee Yahuuda ayaa sidoo kale mid ah qodobbada heshiiska wajiga 1-aad, toddobaadka 1-aad ee lasiii daayo 7 maxaabiis sahaayino ah, waxay Yahuuddu ka bixi doonaan laga soo billaabo waddada Rashiid ilaa jidka Salaaxu-diin.

Wajiga labaad ee heshiiska oo isagana socon doono 42 maalin, ayaa dhigaya in dhammaan ciidanka gumeystuhu ay isaga baxaan marinka Gaza,sidoo kale joojiyaan howlgalladooda ka dhanka ah dadka reer Gaza, sidoo kalena la sii daayo dhammaan maxaabiista hartay ee Yahuudda, kuwaas oo lagu badalan doono maxaabiis Falastiiniyiin ah oo la isku raacay.

Wajiga saddexaad ee heshiiska oo isagana socon doono muddo 42 maalmood waxa ka mid ah in la is waydaarsado maydadka labada dhinac ay gacanta ku hayaan, sidoo kale waxaa qayb ka ah hirgelinta dib u dhiska marinka Gaza sida guryaha iyo dhismeyaasha rayidka ee Yahuuddu dumisay iyo sidoo kale kaabeyaasha dhaqaalaha, waxay taasi qaadan kartaa sida heshiiska ku cad muddo 3 sano ilaa 5 sano ah, waxaa sidoo kale marxaladda 3-aad ka mid ah in la furo macaabirta, kaasi oo oggolaanaya isku socodka xorta ah ee dadka iyo sidoo kale badeecadaha.

Heshiiskan guusha u ah reer Gaza ayaa ah mid dhan walba marka laga eego dhabar jab ku ah Yahuudda, kaasi oo muddo 15 bilood kadib danta ku qasab tahay in uu aqbalo heshiiskii uu diidanaa, Netanyahu ayaa goodigiisii ahaa in uu xoog kusoo furan doono maxaabiista ay ugu dambay tabari dhigtay in uu wax iska caabinta horgeeyo qodobbada heshiiska si ay u aqbalaan.

Madaxa xukuumada Jarmalka ayaa Taladaadii sheegay in heshiiska u dhaxeeya kooxaha wax iska caabinta iyo maamulka gumeystaha uu yahay mid xanuun ku ah maamulka sahaayinada isagoo intaa ku daray in heshiiska qaraar lagu qasban yahay in la aqbalo.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -18-07-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-07-1446 Hijri.

Related Stories

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-Rabiicul-awal-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-Rabiicul-awal-1448-Hijri.

August 26, 2026
Akhriso Xogta Howlgallo Kala Duwan Oo Lagu Naafeeyay Maleeshiyada Gurguurte,
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Xogta Howlgallo Kala Duwan Oo Lagu Naafeeyay Maleeshiyada Gurguurte,

August 26, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 13-03-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 13-03-1448-Hijri.

August 26, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada