Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Akhriso Qodobbada Heshiiska Barri Dhaqan-gelaya Ee U Dhaxeeya Wax Iska Caabinta Falastiin Iyo Yahuudda.
  • Allposts
  • Warar

Akhriso Qodobbada Heshiiska Barri Dhaqan-gelaya Ee U Dhaxeeya Wax Iska Caabinta Falastiin Iyo Yahuudda.

January 18, 2025

Maalinta barri ee Axadda ah taariikhduna ku beegan tahay 19-ka Rajab, kuna beegan 19-ka January waxaa dhaqan-geli doona heshiiska xabad joojinta ah ee ay kala saxiixdeen kooxaha wax iska caabinta reer Falastiin iyo maamulka gumeystaha Yahuudda, kaasi oo yimid 15 bilood kaddib oo sabar iyo sugnaan ah oo ay muujiyeen reer Gaza, iyaga oo dagaal adag kula jiray gumeystaha gudaha usoo galay magaaladooda, kuna sabrayay duqaymaha cadowtooyo.

Golaha wasiirada maamulka sahaayinada ayaa maanta oo Sabti ah ansixiyay heshiiska xabad joojinta iyo maxaabiis is-dhaafsiga ee dhex maray kooxaha wax iska caabinta iyo maamulka uu fadhigiisu yahay Tal’abiib.

Haddaba maxay yihiin qodobbada ugu muhiimsan ee heshiiska xabad joojinta ah ee khamiistii lasoo dhaafay ay wada gaareen muqaawamada reer Falastiin iyo maamulka uu hoggaamiyo Benyamin Netanyahu.

Heshiiskan xabad joojinta ah ayaa mari doono ilaa saddex marxalo, waxay marxaladda ama wajiga koowaad socon doontaa ilaa 42 maalmood sida ku cad bunuudda heshiiska oo la shaaciyay.

Wajiga koowaad ee qodobada heshiiska waxaa ugu muhiimsan in dhinacyada kooxaha wax iska caabinta iyo ciidanka gumeystaha ay joojiyaan howlgallada millatari, ciidanka sahaayinadu ka baxaan Gaza, in Yahuuddu siidayso 2,000 oo maxaabiis falastiiniyiin ah oo isugu jira kuwa ku xukuman xabsi daa’in iyo kuwa dambiyo culus u xiran iyo sidoo kale 1,000 maxbuus oo la qabtay wixii ka dambeeyay 7-dii Oktoobar.

Sidoo kale waxaa wajiga kowaad ee heshiiska ka mid ah in wax iska caabintu sii deyso 33 maxaabiis Yahuud ah oo isugu jira kuwa nool iyo kuwa dhintay, waxaa sidoo kale heshiiska wajiga koowaad ka mid ah in dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ay si xoriyad leh guryahooda kusoo laabtaan, sidoo kalena si maalinle ah loo sameeyo gurmadka Falastiiniyiinta oo isugu jira cuno biyo iyo shidaal, maalintiina la gaarsiiyo Gaza 600 oo gaadiid gurmad ah.

Dhismaha 60,000 guri oo kumeel gaara oo loo dhisayo dadka Falastiiniyiinta ee guryahooda ku burbureen duqaymaha cadowtooyo ee Yahuuda ayaa sidoo kale mid ah qodobbada heshiiska wajiga 1-aad, toddobaadka 1-aad ee lasiii daayo 7 maxaabiis sahaayino ah, waxay Yahuuddu ka bixi doonaan laga soo billaabo waddada Rashiid ilaa jidka Salaaxu-diin.

Wajiga labaad ee heshiiska oo isagana socon doono 42 maalin, ayaa dhigaya in dhammaan ciidanka gumeystuhu ay isaga baxaan marinka Gaza,sidoo kale joojiyaan howlgalladooda ka dhanka ah dadka reer Gaza, sidoo kalena la sii daayo dhammaan maxaabiista hartay ee Yahuudda, kuwaas oo lagu badalan doono maxaabiis Falastiiniyiin ah oo la isku raacay.

Wajiga saddexaad ee heshiiska oo isagana socon doono muddo 42 maalmood waxa ka mid ah in la is waydaarsado maydadka labada dhinac ay gacanta ku hayaan, sidoo kale waxaa qayb ka ah hirgelinta dib u dhiska marinka Gaza sida guryaha iyo dhismeyaasha rayidka ee Yahuuddu dumisay iyo sidoo kale kaabeyaasha dhaqaalaha, waxay taasi qaadan kartaa sida heshiiska ku cad muddo 3 sano ilaa 5 sano ah, waxaa sidoo kale marxaladda 3-aad ka mid ah in la furo macaabirta, kaasi oo oggolaanaya isku socodka xorta ah ee dadka iyo sidoo kale badeecadaha.

Heshiiskan guusha u ah reer Gaza ayaa ah mid dhan walba marka laga eego dhabar jab ku ah Yahuudda, kaasi oo muddo 15 bilood kadib danta ku qasab tahay in uu aqbalo heshiiskii uu diidanaa, Netanyahu ayaa goodigiisii ahaa in uu xoog kusoo furan doono maxaabiista ay ugu dambay tabari dhigtay in uu wax iska caabinta horgeeyo qodobbada heshiiska si ay u aqbalaan.

Madaxa xukuumada Jarmalka ayaa Taladaadii sheegay in heshiiska u dhaxeeya kooxaha wax iska caabinta iyo maamulka gumeystaha uu yahay mid xanuun ku ah maamulka sahaayinada isagoo intaa ku daray in heshiiska qaraar lagu qasban yahay in la aqbalo.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo -18-07-1446-Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -18-07-1446 Hijri.

Related Stories

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Faahfaahin: Mujaahidiinta Oo Dagaal Kula Wareegay Taliska Deegaanka Mooro-erri.
  • Allposts
  • Warar

Faahfaahin: Mujaahidiinta Oo Dagaal Kula Wareegay Taliska Deegaanka Mooro-erri.

June 9, 2025
Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-12-1446 Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -13-12-1446 Hijri.

June 9, 2025

Diiwaanka Gabayada

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 16 aad)

June 9, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 15 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 15 aad)

June 4, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 14 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 14 aad)

May 31, 2025
Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 13 aad)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Dhagayso Diiwaanka Gabayada Idaacadda Al-Andalus. (Gabayga 13 aad)

May 26, 2025

Sawirro

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dabaal-degga Ciiddul-adxaa Iyo Mujaahidiinta Galbeedka Africa.

June 9, 2025
Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Galhareeri Iyo Jowlo Oo Looga Dabaal-degay Munaasabadda Ciidda.

June 7, 2025
Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Hiiraan, Gedo, Sh/dhexe Iyo Galgaduud Oo Si Wanaagsan Looga Ciiday.

June 6, 2025
Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Wilaayaadka Baay, Bakool Iyo Sh/hoose Oo Si Heer Sare Ah looga Ciiday.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe Iyo Jubbada Hoose.

June 6, 2025
Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Diyaaraddii Mujaahidiintu Kusoo Rideen Deegaanka Xawaadley.

June 3, 2025
Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Weerar Culus Oo Lagu Beegsaday Ciidanka Mali Oo Ka Dhacay Timbuktu.

June 3, 2025
Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Inka Badan 50 Askari Oo Lagu Dilay Weeraro Ka Dhacay Mali, Burkina-Faso & Benin.

May 26, 2025
61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

61 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Moqokori+Sawirro.

May 17, 2025
Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Weerar Askar Badan Lagu Dilay Oo Ka Dhacay Burkiina Faaso.

April 29, 2025
Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Saldhiggii Iyo Garoonka Wargaadhi.

April 24, 2025
Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada: Mujaahidiinta oo Ku sugan Deegaanka Yaasooman.

April 17, 2025
Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Qaybta Labaad Sawirrada Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Aadan-yabaal.

April 16, 2025
Copyright © All rights reserved by Calamada