Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Iska Hor’imaad Hargaysa Ku Dhexmaray Shacab Iyo Maleeshiyada Maamulka Cirro.
  • Allposts
  • Warar

Iska Hor’imaad Hargaysa Ku Dhexmaray Shacab Iyo Maleeshiyada Maamulka Cirro.

February 4, 2025

Mudaharaad ballaaran oo bilawday shalay casarkii, socdayna ilaa fiidkii xalay ayaa ka dhacay agagaarka Jaamacadda Hargeysa.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in bannaan-baxan oo qaatay muddo saacado ah ay dhigeen ardayda wax ka barata Jaamacadda Hargeysa oo ka gadooday lacago dheeraad ah oo dhawaan uu kusoo rogay maamulka Jaamacaddu.

Maamulka riddada Somaliland ayaa boolis fara badan ku daad-gureeyey nawaaxiga Jaamacadda, kuwaas oo rasaas nool-nool kala hor-tagay ardaydan cabashada ka ahayd lacagaha lagu kordhiyey. Waxaana halkaasi ka dhacay iska-hor-imaad xooggan.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa kasoo muuqanaya booliska oo si arxan-darro ah rasaas ugu furaya arday fara badan oo dhooban gudaha iyo bannaanka jaamacadda.

Sidoo kale waxaa muuqaalladaasi lagu arkaayay arday ku xoonsan agagaarka Jaamacadda oo dhagaxaan kala hor-tagay booliska riddada Somaliland oo rabay inay xoog ku kala dareeriyaan eryaan dibax-baxayaasha.

Muddadii uu socday kacdoonka ardaydu waxaa gabi ahaanba joogsaday oo xirmay isu-socodka gaadiidkii isticmaalayay waddooyinka mara nawaaxiga Jaamacadda Hargeysa.

Maamulka Jaamacadda iyo xubno kale oo ka tirsan kooxda riddada Somaliland oo xalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin lacago la kordhiyey, waxaanay u goodiyeen ardaydii cabanaysay oo ay ku tilmaameen dad cadow ah.

Warkaasi kasoo yeeray maamulka riddada Somaliland, kadib waxaa baraha bulshada si weyn u qabsaday oo loogu faafiyey warqad uu soo saaray maamulka Jaamacaddu Jan/2025 oo muujinaysa lacagaha lagu kordhiyey ardayda.

Walaac xooggan ayay ardaydu ka muujisey lacagahan dheeraadka ah ee uu kusoo rogay maamulka riddada Somaliland, waxaanay sheegeen in tallaabadani ay caqabad ku tahay fursadahooda waxbarasho, gaar ahaan ardayda kasoo jeedda qoysaska danyarta ah ee markii horeba la il-darnaa bixinta kharashaadka faraha badan ee Jaamacadda.

Kacdoonka ardayda ayaa geesta kalena kusoo aadaya xilli ay sii adkaaneyso duruufaha dhaqaalle ee baahsan ee ka jirta magaallada Hargeysa gaar ahaan iyo guud ahaan dhulka uu ka arrimiyo maamulka riddada Somaliland.

Jaamacadda Hargeysa waxay hoos-tagtaa oo gacanta ku haya maamulka riddada Somaliland oo maalmo ka hor ay ahayd markii lacago kale oo baad ah uu kusoo rogay Shirkadaha Isgaarsiinta, Xawaaladaha, iyo Bangiyada ee ka howl-gala deggaannadaasi.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -05-08-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -06-08-1446-Hijri.

Related Stories

23 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Dayniile.
  • Allposts
  • Warar

23 Askari Oo Dhimasho Iyo Dhaawac Ku Noqday Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Dayniile.

August 27, 2026
Kooxda Gurguurte Oo Shacabka Muqdisho Ku Amartay Inay Xabaalaha Ka Faagtaan Ehelladooda 30 Sano Ka Hor Dhintay.
  • Allposts
  • Warar

Kooxda Gurguurte Oo Shacabka Muqdisho Ku Amartay Inay Xabaalaha Ka Faagtaan Ehelladooda 30 Sano Ka Hor Dhintay.

August 27, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-03-1448-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -15-03-1448-Hijri

August 27, 2026

Sawirro

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada