Waxaa la faafiyay sawirrada duqayntii cadowtooyo ee diyaaradaha dagaalka ee dowladda saliibiyada ah ee Itoobiya ku dileen 3 qof oo dhammaantood ahaa dumar, kana koobnaa hooyo iyo laba gabdhood oo ay dhashay oo ku sugnaa deegaanka Ceelbacad ee wilaayada Sh/dhexe.
Sawirrada ayaa muujinayay sida ay fuustooyinkaasi shidaal ee diyaaradaha saliibiyiintu soo tuureen u laayeen dadka shacabka ah, waxay na halkaas ku burburiyeen guryo dad rayid ah degganaayeen, duqaymaha ayaa ah kuwa ku cusub Soomaaliya, waana siyaasad ay isla qaateen Itoobiya iyo maamulka Gurguurte oo lagu doonayo in lagu baabi’iyo magaalooyinka dalka laguna gubo dhulka dhirta leh eey xooluhu daaqaan, dhul badan oo Shabeellada dhexe iyo Hiiraan ah ayay sidaan oo kale fuustooyinkaas ugu tuureen maalmihii la soo dhaafay.
Hoos Ka Daawo Sawirrada.