Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Sh/hoose, waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo qorsheysan ku mireen xerada maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Arbacow ee dhac aduleedka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Dagaalka tooska ah ee ciidamada mujaahidiintu ku ekeeyeen saldhigga maleeshiyada murtadiinta ee deegaanka Arbacow kaddib, waxay sidoo kale ciidamada guutada madaafiicda mujaahidiintu weerar duqayn ah ku qaadeen isla xerada murtadiinta ee deegaankaasi.
Weerarka tooska ah iyo midka madaafiicda ee ay ciidanka mujaahidiintu ku qaadeen saldhigga Ridada ee deegaanka Arbacow ayaa qayb ka ah silsilado howlgallo ah oo ciidanka mujaahidiintu ka wadaan duleedyada magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, kuwaas oo lagu beegdanayo maleeshiyada murtadiinta.