Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Abiy Axmed oo Madaxweyne Cusub Oo Maqaar-saar Ah U Magacaabay Tigrey.
  • Allposts
  • Warar

Abiy Axmed oo Madaxweyne Cusub Oo Maqaar-saar Ah U Magacaabay Tigrey.

April 9, 2025

R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa Tadesse Werede u magacaabay madaxweynaha cusub ee maamulka ku-meel-gaarka ah ee Tigreyga. Waxaanu xilkaasi uu maalinnimadii shalay si rasmiya ugala wareegay Getachew Reda.

Madaxweynahan cusub ee maqaar-saarka looga dhigay gobolka Tigrey ayaa horey muddo labo sanno ah u soo noqday ku-xigeenka madaxweynaha iyo xoghaynta golaha wasiirrada ee maamulkaasi.

Abiy Axmed ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo wax-qabadka madaxweynaha cusub, isagoo u arka mas’uul ka fudaydin kara caqabadaha iyo qolqolatooyinka isbarkan ee kaga furan gobolka Tigrey.

Madaxweynaha cusub, Tadesse Werede, ayaa ku tilmaamay xilka cusub ee loo magacaabay inuu yahay caqabad adag iyo imtixaan isagoo dhinaca kalena carabaabay inuu isbedel keeni karo haddii si fiican loo maareeyo.

Sidoo kale isagoo garwaaqsan caqabadaha kakan ee ka aloosan gobolka Tigray-ga, Tadesse wuxuu qirtay in dhibaatooyinka jira ee amni, siyaasadeed iyo dhaqaalle oo uu sheegay in laga abuuray gudaha deggaannadaasi ay yihiin kuwo sii hurin kara dhibaatada hadda jirta.

Isbedelkan cusub oo ku dhawaad labo usbuuc ka hor uu sii iclaamiyey Abiy Axmed ayaa waxaa si adag uga hor-yimi isla markaana horeyba u daadafeysay kooxda TPLF gaar ahaan garabka uu hoggaamiyo Debretsion Gebremichael.

Kooxdan oo awood badan ku leh gobolka ayaa ku andacootay in Abiy Axmed uu rabo in kaligiis uu go’aamiyo masiirka maamulka Tigreyga, taas oo jabinaysa ayay yiraahdeen heshiiskii lagu gaaray Pretoria.

Garabka Debretsion ayaa sheegay in aanay aqbali doonin natiijo kasta oo kasoo baxda talo-maroorsiga Abiy Axmed oo sidoo kale ay ku eedeeyeen in muddo badan uu soo waday daandaansi, cadaawad iyo xasillooni-darro khatar ku ah jiritaanka dadka Tigrey-ga.

Si kastaba ha ahaatee waxa la iswaydiinayaa waxa uu soo kordhin karo mas’uulkan cusub ee maqaar-saarka uu ka dhigtay Abiy Axmed, kaas oo horey loogu tilmaami jiray inuu ka madax-bannaan yahay khilaafaadka hareeyey isla markaana labada garab u kala jabiyey kooxda TPLF.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -11-10-1446 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -11-10-1446 Hijri.

Related Stories

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.
  • Allposts
  • Warar

Kenya Oo Nairobi Kasoo Tarxiishay Wasiir Katirsan Kooxda Gurguurte Oo Boorsooyin Lacag Ah Watay.

July 28, 2026
Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 14-02-1448-Hijri.

July 28, 2026
Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.
  • Allposts
  • Warar

Weerar Askar Looga Dilay Maleeshiyada Axmed Madoobe Oo Ka Dhacay Jubbada Hoose.

July 28, 2026

Sawirro

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada