Saacadihii lasoo dhaafay waxa uu dab xoog leh ka kacay dhismaha xarunta xildhibaannada baarlamaanka daaquudka ah ee maamul goboleedka ashahaada la dirirka Hirshabeelle.
Dhismaha uu dabku ka kacay ayaa kuyaal magaalada Jowhar ee xarunta u ah gobolka Sh/dhexe, kuna shaqeeyo maamulka Riddada ah ee halkaas ka jira.
Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinayay dabka xooggan oo qabsaday dhismaha xaruntaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin hadana waxay wararku sheegayaan in dabka uu ka dhashay koronto.
Dabka ayaa gaystay burbur soo gaaray dhismaha xarunta baarkamaanka ee maamulka murtad Guudlaawe, waxaan si wayn baraha bulshada gaar ahaan Facebook ugu baahay sawirrada iyo muuqaallada dabka ka kacay dhismahan.