Ciidamada mujaahidiinta Al-shabaab ee saaka cagta mariyay saldhigga murtadiinta Danab ee deegaanka Wargaadhi ayaa Allaah fadligiis dagaal culus kaddib si buuxda ula wareegay saldhiggii murtadiinta iyo gabi ahaanba gacan ku haynta deegaanka Wargaadhi ee saaran xeebta Sh/dhexe.
Waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus kaddib gudaha u galeen oo si buuxda ula wareegeen Wargaadhi oo ah deegaan muhiim u ahaa murtadiinta, iyo sidoo kale saldhiggii maleeshiyaadka Riddada (Danab) ay ku lahaayeen deegaankaasi.
Maleeshiyadii murtadiinta Danab ee saaka dagaalka looga saaray degaanka muhiimka ah ee Wargaadhi ayaa maydad badan kaga tagay deegaanka, kuwaas oo daadsan goobihii lagu dagaallamay, waxaana deegaanka laga taagay raayada Rasuulka Allaah SCW.