Howlgal gaar ah oo ciidamo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala wilaayada Gedo maanta oo Isniin ah ka fuliyeen gudaha degmada Baladxaawo ayaa Allaah fadligiis waxaa lagu khaarajiyay askari murtad ah oo lagu magacaabi jiray Indhabuur Axmed Diiriye.
Dhanka Sh/dhexe, weerar saaka ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo “Geed-Caglow” oo 8-KM u jira magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaad murtadiin ah oo ku sugnaa deegaankaasi, waxaana halkaasi lagu dilay hal askari oo murtad ah, waxaana laga soo qaniimeystay Qori, Boosh, iyo Mooto-Bajaaj.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta howlgal qarax ah ka fuliyeen gudaha deegaanka Yeed ee ka tirsan gobolkaasi, qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay goob ay ku shirayeen saraakil ka tirsan maamulka Riddada ugu magacaaban deegaankaas.
Sidoo kale waxay ciidamada mujaahidiintu dagaal culus oo toos ah ku qaadeen xerada ciidamada kuffaarta xabashida Itoobiya ay kaga suganyihiin degmada Diinsoor ee wilaayada Baay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.