Xilli ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ay taqadum ballaaran ka sameynayaan furimaha dagaalka ayay saraakiil katirsan kooxda Riddada Soomaaliya waxay muujinayaan walaac iyo niyad jab aad uxooggan.
Cabdisalaam Dhabancad oo katirsan xildhibaannada golaha dawaaqiidda murtadiinta ayaa sheegay in mujaahidiintu ay dib uqabsadeen intabadan degmooyinkii iyo deegaannadii ay duullaanka ku qaadeen maleeshiyaadka kooxda Riddada sanadihii 2022-2023.
isagoo wareysi siinayay warbaahinta maxalliga ah ayuu ku cataabay in camaliyaatka mujaahidiinta ay yihiin kuwa qorshaysan oo ku socda istiraatiijiyad sal adag leh, wuxuu hadal qaaday camaliyad istish-haadi ah lagu beegsaday isaga iyo madaxweynaha maamulka ashahaadda ladirirka Galmudug camaliyaddaas oo ka dhacday deegaanka Laas Gacameey bishii September ee sanaddii 2023.
Wuxuu carrabaabay in dhaawacii weerarkaas isaga kasoo gaaray uu illaa iyo hadda ladhibaataysan yahay dhaawacii soo gaaray “illaa iyo hadda waxaan laxanuunsanayaa dhaawacii igasoo gaaray weerarkii Al Shabaab nagusoo qaadeen,runtii dad badan ayaana ku dhintay kuna dhaawacmay weerarkaas qaraxa ah”ayuu yiri Dhabancad.
Sidoo kale wuxuu quus ka muujiyay in kooxda riddada ee Xasan Gurguurte hoggaamiyo ay mujaahidiinta ka adkaato wuxuuna tusaale usoo qaatay taqadumka ballaaran oo ay ciidanka mujaahidiinta Al Shababaab ka sameynayaan deegaanno kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Isagoo niyad jab muujinayay ayuu usoo jeediyay kooxda Riddada in ay wadahadal lagasho Xarakada Al Shabaab.
hadalkan kasoo yeeray xildhibaankan murtadiinta katirsan ayaa banaanka soo dhigaya sida Xasan Sheekh iyo nidaamkiisa ay sedax sano kadib guuldarrooyin buura ah udhax muquuranayaan.