Dagaalka u dhaxeeya dowladda Iiraan iyo maamulka gumaustaha Yahuudda ayaa galay maalinkii toddobaad oo xiriir ah, waxayna ciidanka sahaayinadu sii wadaan duqeymaha ay ka gaysanayaan dalka Iiraan halka Tehranna maanta qaadday weeraro aad u xooggan .
Barqadii maanta ayaa magaalooyin ay ka mid yihiin Talaabiib iyo Bi’ru Sabca waxaa laga maqlay qaraxyo aad u waaweyn oo ka dhashay sawaariikh ay ridday Iiraan.
Mid kamid ah gantaallada ayaa haleelay cisbitaal lagu magacaabo Soroka, kaasoo lagu dabiibo dhaawacyada ciidanka Yahuudda ee kusoo dhaawacmay dagaalka magaalada Gaza.
Bayaan kasoo baxay ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan ayaa lagu sheegay inay beegsadeen xarunta sirdoonka ciidanka Yahudua oo ku dhaganeyd cisbitaalka Soroka.
Kooxaha gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in inka badan 60 qof oo Yahuud ay ku dhaawacmeen , halka dadka qaar ay wali ku xayiranyihiin dhulka hoostiisa.
Dhanka kale duqeymo culus ayaa ka socda magaalada Tehran ee caasimadda Iiraan, iyadoona warar soo baxaya ay sheegayaan in dowladda Marakanka ay isku diyaarinayso in ay ka qeyb qaadato dagaalka.