Howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen gudaha magaalada Baydhaba ee wilaayada Baay ayaa lala eegtay maleeshiyo murtadiin ah, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay ilaa shan askari oo murtadiin ah, oo 3 ka mid ah dhaawacoodu uu garaab yahay.
Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in mid ka mid ah maleeshiyada Riddada ee qaraxaasi ku dhaawacmay lagu magacaabo Shiingiyo Maxamee Werdi.
Dhanka kale, warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo lala beegsaday kolonyo ciidamo ah oo ka tirsan kuffaarta Kenya, kuwaas oo ku socdaaleysay inta u dhaxaysa degmada Ceelqaalow iyo deegaanka Ceel-goolij ee ka tirsan gobolka Mandheera.
Qaraxa oo si gaar ah u haleelay gaari mutabiish ah ayaa sababay dhimashada ilaa 7 askari oo Kenyan ah, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 13 askari oo isla kuffaarta Kenya ah, waxaana goobta qaraxu ka dhacay ku gubtay gaariga la beegsaday.