Dagaallo culus oo in ka badan 4 jeer lagu jabiyay maleeshiyaadka Riddada ayaa maanta waxay ka dhaceen duleedka degmada Moqokori ee bariga wilaayadda Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Khasaaraha hordhaca ah ee maleeshiyaadka murtadiinta lagu gaarsiiyey dagaalladaasi waa dhimasha 11 murtadiin ah, kuwaas oo 8 ka mida maydadkooda Riddadu uga carareen goobta dagaalka, halka 3 kalana ay horay usii qaateen.
Sidoo kale dagaalladan culus ee maanta sida wayn loogu jabiyay maleeshiyaadka murtadiinta waxaa Allaah fadligiis lagu dhaawacay ilaa 20 askari oo kale, waxay ciidamada mujaahidiintu dul istaageen maydadka siddeed askari oo ay ka carareen murtadiinta, halka Riddadu horay usii jiiteen maydadka saddex askari.
Waxaanu helnay magacyada qaar ka mid ah murtadiinta lagu dilay dagaalladii maanta dhacay waxaana ka mid ahaa, Muumin Nuurshe Maxamed Cabdulle iyo Aadan Ibraahim Fidhig (Ilbir), dhanka kale, xaalada goobihii ay dagaalladu ka dhaceen ayaa ah mid deggan, waxaana gacanta ku haya goobahaasi ciidamada Shabaabul Mujaahidiin, iyadoona murtadiinta oo jabay ay galeen gudaha degmada Moqokori.