Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Wiil Darawal Ah Oo Lagu Dilay Magaalda Garoowe.
  • Allposts
  • Warar

Wiil Darawal Ah Oo Lagu Dilay Magaalda Garoowe.

August 11, 2025

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay fal dil ah oo loo gaystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah wadeyaasha mootooyinka ka howlgala magaaladaasi.

Dilkan ayaa lasoo wariyay in uu si gaar ah uga dhacay xaafadda Naaso-Hablood ee magaalada Garoowe, wiilka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Khadar Cabdi Yuusuf Nuur, oo wade ka ahaa mooto Bajaaj.

Si rasmi ah looga oga cidda dishay wiilkan dhalinyarada ah ee ka mid ahaa wadeyaasha mooto bajaajta, wallow wararka qaar ay sheegayaan in kooxo burcad ah ay ka dambeeyeen dilka, waxaana dhacdan ay hadal-hayn wayn ka dhalisay magaalada Garoowe, dilka ayaa lasoo wariyay in loo adeegsaday toorrey.

Ehellada wiilka dhalinyarada ee la dilay, ayaa waxay si caro leh uga hadleen dhacdadan, waxayna sheegeen in kiisaskan uu ka mid yahay kuwa xiriir ah oo kusoo badanaya magaalada laguna beegsanayo dadka rayidka ah.

Maamulka ashahaada la dirirka ah ee Puntland oo dareemay culayska dadka sida wayn uga warceliyay falkan ayaa soo saaray qoraal kooban, kaasi oo uu ku sheegay inay wadaan baaritaanno ku aaddan kiiska, sidoo kalena gacanta kusoo dhigeen xubno ay sheegeen inay ku tuhusan yihiin in dhacdadaasi ay ka dambeeyeen.

Dhacdadan lagu dilay wiilka dhalinyarada ah ayaa ah mid uu mugdi badan ku jiro, horay sidan oo kale dilal ka dhacay magaalada Garoowe ayaa waxaa ku lug yeeshay maleeshiyada maamulka Riddada Puntland, dhanka kale waxay dhacdadan kusoo beegmaysaa xilli muddooyinkii u dambeeyay magaaladaasi ay kusoo badanayeen falalka kufsiga ah ee loo gaysanayo ragga iyo dumurka.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Daawo Firxadkii Ugu Badnaa Maleeshiyo Lagu Jabiyay Dagaallo Ka Dhacay Duleedka Dayniile.
Next: Faahfaahinno Laga Helay Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Duleedka Beledxaawo.

Related Stories

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 19-05-1448-Hijri.
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhagayso Warka Subaxnimo 19-05-1448-Hijri.

October 30, 2026
Ciidanka Mujaahidiinta Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhig Kuyaal Duleedka Matabaan.
  • Allposts
  • Warar

Ciidanka Mujaahidiinta Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhig Kuyaal Duleedka Matabaan.

October 30, 2026
Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Duqeymaha Turkiga Oo Ka Dhacay Buurhakaba.
  • Allposts
  • Warar

Dibadbaxyo Ka Dhan Ah Duqeymaha Turkiga Oo Ka Dhacay Buurhakaba.

October 29, 2026

Sawirro

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

DEG DEG: Daawo Sida Maleeshiyada Gurguurte Loogu Laayay Duleedka Leego.

October 26, 2026
Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Muujinaya Sida Mujaahidiintu Ula Wareegeen Deegaanka Hees.

October 10, 2026
Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Xarakada Al-Shabaab Iyo Beesha Xawaadle Oo Maxaas Ku Gaaray Heshiis Lagu Soo Afjaray Colaaddii U Dhexeysay Labada Dhinac.

October 3, 2026
Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Taliye Shub Oo Ku Dhaawacmay Duqayn Diyaaradeed Oo Gurigiisa Loogu Gaystay+Sawirro.

September 4, 2026
Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Mujaahidiinta Oo Maalintii Labaad Gacanta Ku Haya Deegaanka Teedaan.

August 3, 2026
Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Sawirro: Barnaamijka Jamciyadda Qur’aanka Ee “Qurratu Ceyn Iyo Shahaado Guddoosiinta Xufaadda Jilib.

August 1, 2026
Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo: Jamciyadda Qur’aanka Kariimka Oo Qabatay Barnaamin Shahaadooyin Lagu Guddoonsiiyay Inka Badan 130 Xufaad Ah.

July 26, 2026
Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Khasaaraha Ka Dhashay Duqaymihii Maraykanku Ka Gaystay Farsooley.

July 6, 2026
Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Duqayn Diyaaradaha Maraykanku Ku Beegsadeen Shacabka Kurtun-waarrey.

June 16, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026

Diiwaanka Gabayada

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

DHAGEYSO: Gabay Cusub Oo Uu Tiriyey Abwaan C/waaxid Cali Gama’diid.

October 19, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada