Xogo faahfaahsan ayaa kasoo baxaya howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen xaafadda Igadabageey ee degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu beegsaday fariisin ciidan oo ay halkaasi kulahaayeen maleeshiyada Riddada.
Qaraxa ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana ku dhintay sarkaal ashahaada la dirir ah oo lagu magacaabi jiray Maxamad Deeq, kaasi oo u dhintay dhaawac kasoo gaaray qaraxa.
Isla Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu maanta qarax la beegsadeen gaari ay la socdeen maleeshiyo ka tirsan Riddada, kaasi oo marayay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku dhaawacmay 6 askari oo murtadiin ah.
Dhanka Mandheera, waxay ciidamada mujaahidiinta qarax culus la eegteen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan saliibiyiinta Kenya, Qaraxa ayaana si gaara u haleelay gaari Mutabiish ah oo ay saarnaayeen ku dhawaad 30 askari oo saliibiyiin ah, goobta ayuu ku burburay ciidamada la socdayna waxay u qaybsameen dhimasho iyo dhaawac sida la xaqiijiyay.