Maleeshiyaadka u dagaallama qoomiyadda Amxaarada ee Fano ayaa lagu soo warramayaa in ay sii xoojiyeen hawl-galladii ay ka wadaan gobolka Amxaarada, isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidanka Xabashida Itoobiya.
Maamulka Abiy Axmed u qaabilsan gobolka Quara ee Galbeedka Gonder ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka Fano in ay gudaha u galeen magaalada Gulegu isla markaana ay burburiyeen xarumahii dowladda, iyadoo ay sii kordhayso iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada Federaalka iyo maleeshiyaadka Amxaarada.
Xafiiska isgaarsiinta degmada Quara ayaa sheegay Khamiistii in maleeshiyaadka Fano ay gudaha u galeen Gulegu ayna weerareen xarumaha waaxaha, isla markaana ay gubeen 74 xafiis iyo saddex baabuur, halka mid kalena ay kaxaysteen. Waxaana sawirro lagu faafiyay baraha bulshadu ay muujinayaan gawaari gubatay iyo burbur soo gaaray xarumaha dowladda.
Saraakiisha ayaa sidoo kale ku eedeeyay maleeshiyaadku in ay bartilmaameedsadeen hanti ay leeyihiin ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga talada haya. Waxaana xafiisyada ay dhibaatadu soo gaartay ka mida golaha deegaanka, waaxda garsoorka iyo isgaarsiinta, xafiiska wadooyinka iyo gaadiidka, xafiiska caafimaadka deegaanka, iyo goob waxbarasho.
Guddi qiimeyn ku sameysay dhacdadan ayaa shaacisay in maleeshiyadka Fano ay sidoo kale qaateen dareeska ciidanka booliiska, kadib markii ay in muddo ah la wareegeen gacan-ku-haynta qeybaha ammaanka ee deegaanka.
Inkastoo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan ay ku sugan yihiin gobolka Amxaarada, ayaa haddana wararku waxa ay tilmaamayaan in jabhadda Fano ay u suurtagashay in muddo saacado ah gacanta ku dhigaan magaalada, sida uu xaqiijiyey Yohannes Nigussue, oo ah afhayeenka dhaqdhaqaaqa fano ee Waqooyiga Amxaarada.
Hawl-galladan ayaa imanaya iyada oo deggaanno badan oo kale oo ka tirsan gobolka Amxaarada ay weli ka socdaan dagaallo aad u xooggani, isla markaana warar horu-dhac ah oo soo baxay ay sheegayaan in si weyn loo wiiqay ciidanka Xabashida Itoobiya.