Skip to content

Primary Menu
  • Allposts
  • Warar
  • Dhageysiga
  • Maqal & Muuqaal
  • Sawirro
  • Duruus
  • PODCASTS
  • DIIWAANKA GABAYADA
  • Home
  • Allposts
  • Dawladda Itoobiya Oo Ka Qaylo-dhaamisay Weeraro Fano Ka Fulisay Gobolka Axmaarada.
  • Allposts
  • Warar

Dawladda Itoobiya Oo Ka Qaylo-dhaamisay Weeraro Fano Ka Fulisay Gobolka Axmaarada.

August 25, 2025

Maleeshiyaadka u dagaallama qoomiyadda Amxaarada ee Fano ayaa lagu soo warramayaa in ay sii xoojiyeen hawl-galladii ay ka wadaan gobolka Amxaarada, isla markaana ay khasaare culus gaarsiiyeen ciidanka Xabashida Itoobiya.

Maamulka Abiy Axmed u qaabilsan gobolka Quara ee Galbeedka Gonder ayaa ku eedeeyay maleeshiyaadka Fano in ay gudaha u galeen magaalada Gulegu isla markaana ay burburiyeen xarumahii dowladda, iyadoo ay sii kordhayso iska horimaadyada u dhaxeeya ciidamada Federaalka iyo maleeshiyaadka Amxaarada.

Xafiiska isgaarsiinta degmada Quara ayaa sheegay Khamiistii in maleeshiyaadka Fano ay gudaha u galeen Gulegu ayna weerareen xarumaha waaxaha, isla markaana ay gubeen 74 xafiis iyo saddex baabuur, halka mid kalena ay kaxaysteen. Waxaana sawirro lagu faafiyay baraha bulshadu ay muujinayaan gawaari gubatay iyo burbur soo gaaray xarumaha dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale ku eedeeyay maleeshiyaadku in ay bartilmaameedsadeen hanti ay leeyihiin ugu yaraan 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga talada haya. Waxaana xafiisyada ay dhibaatadu soo gaartay ka mida golaha deegaanka, waaxda garsoorka iyo isgaarsiinta, xafiiska wadooyinka iyo gaadiidka, xafiiska caafimaadka deegaanka, iyo goob waxbarasho.

Guddi qiimeyn ku sameysay dhacdadan ayaa shaacisay in maleeshiyadka Fano ay sidoo kale qaateen dareeska ciidanka booliiska, kadib markii ay in muddo ah la wareegeen gacan-ku-haynta qeybaha ammaanka ee deegaanka.

Inkastoo dhaq dhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan ay ku sugan yihiin gobolka Amxaarada, ayaa haddana wararku waxa ay tilmaamayaan in jabhadda Fano ay u suurtagashay in muddo saacado ah gacanta ku dhigaan magaalada, sida uu xaqiijiyey Yohannes Nigussue, oo ah afhayeenka dhaqdhaqaaqa fano ee Waqooyiga Amxaarada.

Hawl-galladan ayaa imanaya iyada oo deggaanno badan oo kale oo ka tirsan gobolka Amxaarada ay weli ka socdaan dagaallo aad u xooggani, isla markaana warar horu-dhac ah oo soo baxay ay sheegayaan in si weyn loo wiiqay ciidanka Xabashida Itoobiya.

About The Author

Calamada News

See author's posts

Continue Reading

Previous: Halkan Ka Dhageyso Warka Duhurnimo -02-03-1447 Hijri.
Next: Halkan Ka Dhageyso Caalamulyowm -02-03-1447 Hijri.

Related Stories

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 27-aad Gurmadka Mujaahidiintu Gaarsiiyeen Dadka Abaaruhu Saameeyeen.

June 11, 2026
Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri
  • Allposts
  • Dhageysiga

Halkan Ka Dhageyso Faafreebka Wararka -26-12-1447-Hijri

June 11, 2026
Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.
  • Allposts
  • Maqal & Muuqaal

Daawo Qaybta 2-aad Tartanka Taajul Quraa Sannadka 1447.

June 11, 2026

Sawirro

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Magaalooyinka Salagle Iyo Xagar.

May 29, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Sh/dhexe, Galgaduud Iyo Mudug.

May 28, 2026
Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Maanta Looga Ciiday Wilaayaadka Gedo, Bakool Iyo Hiiraan.

May 28, 2026
Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Wilaayaadka J/dhexe, J/hoose, Sh/hoose Iyo Baay.

May 27, 2026
Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Duqeeyay Buqaqable.

May 25, 2026
Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirro Horudhac Ah Iyo Dagaalkii Saraakiiisha Lagu Dilay Gaadiidkana Lagu Qabsaday.

May 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Machadka Qurdhuba Ee Sh/hoose.

April 16, 2026
Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Xafladda Qalin-jebinta Qurdhuba Buq-aqable.

April 5, 2026
Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirada Maraykanka Oo Duqeeyay Shirkaddii Korontada Deegaanka Kuunya Baroow.

March 31, 2026
Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Si Ay U Ciideen Ciidamada Mujaahidiinta Nusratul Islaam.

March 24, 2026
Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Galgaduud, Hiiraan, Bakool, Baay Iyo Gedo.

March 21, 2026
Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.
  • Allposts
  • Sawirro
  • Warar

Daawo Sawirrada Sida Looga Ciiday Wilaayaadka Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose Iyo Sh/hoose.

March 20, 2026
Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.
  • Allposts
  • Sawirro

Daawo Alkataaib oo Faafisay Sawirrada Dagaalkii Duleedka Baarsanguuni.

February 10, 2026

Diiwaanka Gabayada

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Gama’diid Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(10)

January 15, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Dalmar Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(9)

January 13, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Axmed Dheere Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(8)

January 12, 2026
Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)
  • Allposts
  • DIIWAANKA GABAYADA

Gabayo Silsilad Ah: Abwaan Samakaab Iyo Gabaygiisa Ku Wajahan Yahuudda Iyo Cidda Keentay.(7)

January 11, 2026
Copyright © All rights reserved by Calamada