Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay qarax culus la beegsadeen kolonyo maleeshiyada murtadiinta ah gaar ahaan kuwa Bangarafta ee Mareykanka uu tababartay, waxaana qaraxaasi uu si gaar ah kaga dhacay duleedka deegaanka Bariire, waaana maleeshiyo lug ah oo kasoo baxay Ballidoogle.
Weerarkan qaraxa ah ayaa Allaah fadligiis u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana ku dhintay inta la xaqiijiyay ugu yaraan hal askari oo murtad ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa laba askari oo kale oo murtadiin ah.
Dhanka Banaadir, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay howlgal kale oo qarax la beegsadeen bar koontarool oo maleeshiyaadka Riddada ay ku leeyihiin isgoyska Soos ee degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay, waxaana ku dhaawacmay inta la hubiyay ugu yaraan 4 askari, kuwaas oo laba ka mid ah dhaawacyadoodu yihiin kuwa garaab ah.