Wasaaradda Arrimaha dibadda ee dowladda Kaafiradda ah ee Ingiriiska ayaa walaac xooggan ka muujisay horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaanay soo saartay digniin hor leh oo ay ku socodsiisay muwaadiniinteeda.
Xafiiska Arrimaha Dibadda ee dawladda Ingiriiska oo habeennimadii xalay soo saaray Bayaan ku socda muwaadiniinta Ingiriisa ayaa ku baaqay in laga fogaado dhammaan safarrada lagu tago qaybo ka mida dalka Soomaaliya, inkastoo gobollada waqooyi qaarkood ay kasoo reebeen.
Bayaankan kasoo baxay dowladad UK, ayaa lagu yiri “Waxaanu ku talinayaa in laga dheeraado dhammaan safarrada loo tago Soomaaliya, oo ay ku jiraan Saddex-da gobol ee bariga Somaliland ee kala ah Togdheer, Sanaag iyo Sool, marka laga reebo Saddex-da gobol ee galbeedka Somaliland oo kala ah Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil.”
Gobolladan dhaca galbeedka dhulka uu ka arrimiyo maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland, sida magaalooyinka Boorama, Hargeysa iyo Berbera oo digniintani aanay si buuxda u saamaynayn ayaa muwaadiniinta Ingiriiska loo fasaxay inay ku tegi karaan oo kaliya safarrada lama-huraanka ah, sida lagu shaaciyey bayaankan kasoo baxay wasaaradda khaarajiga Ingiriiska.
Khariidad ay wasaaradda soo saartay ayay ku muujisay deggaannada aan loo safri karin oo ay saartay khad cas, halka gobollada galbeedka Somaliland-na ay saartay midbka jaallaha, waxaanay qofka talooyinkan beer-darreeya ku war-gelisey in caymiskiisu uu buri doono. Iyadoo shaacisay in digniintani ay salka ku hayso hawl-gallo millateri oo aad u xooggan oo ay xustay in Geesiyada Tawxiidka ee Bariga Afrika ay ka wadaan guud ahaan dalka Soomaaliya.
Dawladda Saliibiyada ah ee UK, waxay ka sanqarisay in walaacan amni uu soo food-saaray kadib markii dhawaan weerarro xooggan oo ka dhan ah huwanta gaallada ay mujaahidiintu ka fuliyeen magaalada Xamar, isla markaana ay sii laba-jibbaareen hawl-gallada ay ka wadaan daafaha caasimadda.
Digniintan ay dawladda Ingiriisku soo saartay ayaa kusoo aadaysa xilli dowladda saliibiyadda ah ee Maraykanku ay dhawaan xayiraad dhinaca socdaalka ah saartay dalka Soomaaliya, kadib markii mujaahidiintu ay afka ciidda u dareen Kooxda Riddada Soomaaliya ee daba-dhilifka u ah shisheeyaha duullaanka saliibiga ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.